1/24/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2012
Ururrada Bulshada Rayidka oo Warbnixin kasoo saaray kulan Afar Casho uga socday Muqdisho iyo kulan ay la qaateen Madaxewynaha
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho afartii casho ee lasoo dhaafay iyo kulan kale oo ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen warbixin ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan xasilinta dalka.

Qodobbadii ay warsaxaafadeedkooda kusoo saareen ayaa waxay kala ahaayeen:
  1. Xubnaha ururada bulshada rayidka ah (SCSC) oo ay ku bahoobeen 120 urur in ka badan ayaa waxa kulan uga socday magaalada Muqdisho muddo afar maalmood ah.
  2. Ururradu waxa ay si adag u canbaareyayaan dilka is daba-joogga ah ee kasoo cusboonaaday Muqdisho maalmahan dambe. Sida hoobiyayaasha lala beegsaday barakacayaasha, falalkii dhawrka ah ee is-miidaaminta ahaa oo dhacay maalmihii la soo dhaafay oo ay ku dhinteen: carruur, haween, waayeel, suxufiyiin iyo dad kale oo aan waxba geysan.
  3. Inta badan dadkaas waxay ahaayeen ahaayeen dad ku hawlan sidii ay u soo saaran lahaayeen nolol maalmeedkooda.
  4. Waxa kaloo canbaareynaynaa dilalka lala beegsanayo mas'uuliyiinta taasoo loola jeedo in la demiyo isbedelka iyo iftiinka yar ee ummadda u baxaya.
  5. Falalkaas foosha xun waxay caddeynayaan in dhagar-qabayaashu aanay dan ka laheyn nolosha iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.
  6. Bulshada rayidka ah waxay ku baaqayaan; in la sugo badbaadinta shacabka ku nool goobaha dhawaan la xoreeyay iyo kuwa ay dagaalladu ka socdaan.
  7. Bulshada rayidka waxay ku baaqayaan kana soo horjeedaan in carruurta iyo dhallinyarda loo adeegsado dagaallada.
  8. Waxaa kaloo ay ugu baaqayaan waalidiinta inay ka digtoonaadaan in ilmahooda loo adeegsado fulinta falalka foosha xun ayna ku dadaalaan sidii ay wax u bari lahaayeen.
  9. Bulshada rayidka ah waxay ugu baaqayaan in dhamaan bulsho-weynta Soomaaliyeed ay ka qeyb-qaataan xasilinta ammaanka iyo dib u dhiska waddanka
  10. Bushada rayidku waxay tacsi u dirayaan dhammaan qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho.
  11. Bulshada rayidku waxay garab-taagan yihiin dawladda waxayna diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan amniga, nabadda iyo horumarinta qaranka.
  12. Waxaan soo dhoweynaynaa hirgelinta iyo taaba-gelinta hal-ku-dhiggii madaxweynaha ee ahaa “AMNIGA, AMNIGA, AMNIGA”.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/30/2012 6:36 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Hal cunug ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii kooxo aan la garanayn ay bam gacmeed ku tuureen kaniisad ku taalla deegaanka Kamakuunji ee magaalada Nairobi oo ku taallo xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggen tahay.

9/30/2012 6:21 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay duqeymo ka geystay gudaha magaalaada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta keentay in Maraakiibtu ay duqeeyaan magaalada maadaama ay ka baxeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Kismaayo.

9/30/2012 6:19 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Boqolaal dadweynaha ah oo deggen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isu-soo-bax weyn ka dhigay degmadaas, kaasoo ay ku taageerayeen guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ka gaareen dagaalka degmada Kismaayo.

9/30/2012 4:16 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay mid ka mid ah ciidamada canshuuradaha ee degmada Baydhabo, kaasoo ay ku weerareen meel ku dhow guriisa oo ku yaalla xaafadda Bardaale, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen HOL.

9/30/2012 3:34 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka Kismaayo, iyadoo ku tilmaamay in Al-Shabaab laga adkaaday balse ay dhici karto inay dhacaan weerarro gaadmo ah oo ay soo qaadaan.