4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Waa sidee Xaaladda Dadkii ka Barakacay Fatahaadii ku dhuftay Baladweyne?

Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne waxaa gaaray dadkii ka barakacay fatahaadii maalintii shalay ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwasoo waqtigan ay soo food-saareen xaalado adag dhinaca nolasha ah.

Waxaa maanta booqday dadkan barakacayaasha ah mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo sidoo kale wehliyaan saraakiisha ciidamada midowgga Africa ee AMISOM, iyaga oo ku soo wareegay deegaannada ay qoysaskan ku barakaceen.

Saraakiisha maamulka gobollka iyo kuwa AMISOM oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dadkan u baahan yihiin in lala soo gaaro gargaar deg deg ah, maadama aysan heysa wax quutaan, hoy ka dhigtaan ama xitaa ay gogol u isticmaalaan.

Dadkan oo qaarkood la hadllay warbaahinta waxaa ay iyaguna sheegeen in ay heystaan dhibaatooyin kala duwan, iyaga oo ka soo tagay dhamaan wixii ahaa oo ay isticmaali lahaayeen, waxaana ay dalbadaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gargaar.


Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee xaalada fatahaada marka la eego waxaa hoos u dhac xoogan uu ku yimid biyihii ku socday xaafadaha magaalada Baladweyne, inkastoo wali ay jirto cabsi laga laga qabo in  mar kale biyuhu ku dhuftaan magaalada madaama wali cirku u muuqdo mid daruureysan lana filan karo roobab ka da'a magaalada.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya