4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
JENERAAL DHEGO-BADAN: "Waxaan amar ku bixinay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood"
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya siiyeen amar ah inaysan gelin gudaha magaalada Kismaayo, sababo jira awgood.

Jen. Dhego-badan wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin daafaha magaalada Kismaayo, ayna sugayaan ciidammo kale, isagoo xusay in sababaha ay u diideen in xilligan la galo ay tahay iyadoo ay dhici karto in miinooyin ay uga tageen Al-shabaan.

"Waxaan amar ku bixinnay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo sheegay in sababta ay u diideen in xilligan magaalada la galo ay ka mid tahay si loo badbaadiyo shacabka ku nool magaaladaas iyo hantidooda.

Abaanduulaha ayaa carrabka ku dhuftay inay ka go'an tahay inay Al-shabaab oo dhan ka saaraan meelaha ay dalka uga sugan yihiin, isagoo howgalladan Jubbada hoose ka socda ku sheegay kuwo qayb ka ah howgallada dalka oo dhan laga wado.

Wasiirka gaashaandhigga ee waqtigiisu dhammaadka yahay, Xuseen Carab Ciise oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la dajiyay qaab ama hannaan ay ku galayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Gaboobe oo ah wasiirka wasaaradda carsoorka, arrimaha diinta iyo cadaaladda ee xukuumaddu uu waqtigeedu dhammaadka yahay ayaa ugu baaqay in shacabka ku nool Kismaayo inay is-dajiyaan ayna ogaadaan inaan wax dhib ah loo geysan doonin.

Mas'uuliyiinta dowladda u hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM lagu wado inay galaan gudaha Kismaayo 24-ka saac ee soo socda, inkastoo aysan xilli cayiman sheegin.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay magaalada Kismaayo ka saaray maamulkeedii kaddib shan sano oo ay gacanta ku haysay, balse ay ciidamadeedu la dagaalami doonaan ciidamada ku wajahan Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya