4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Golaha Wakiiladda Somaliland oo Kal-fadhigoodii Maanta xilalkoodii uga qaaday Afar Xildhibaan oo Golaha ka tirsanaa
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kal-fadhigoodii maanta afar xildhibaan xilalka uga xayuubin, kuwaasoo 20 kal-fadhi oo isku xiga aan kasoo xaadirin fadhiyada Golahaasi.

Gudoomiye ku xigeenka golahaasi, ahna ku simaha gudoomiyaha Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigaasi kaga dhawaaqay magacyada afartan Xildhibaan ee xubinimadoodii waayay, ka dib markii ay sida uu dhigayo xeer hoosaadka aqalkaasi mudanihii ka maqnaadda labaatan kal-fadhi oo isku xiga, uu sidaas ku waayayo xubinimaddii golaha Wakiiladda.

Afartan Xildhibaan ayaa la kala yidhaa Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud oo xisbiga KULMIYE ka soo baxday,, Xildhibaan Axmed Maxamed Cali Xisbiga UCID, Xildhibaan Mahdi Xaaji Xasan Sugaal xisbiga UDUB iyo Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil Xisbiga UCID.

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in loo cuskaday qodobka afar iyo tobnaad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha wakiilada Xeer No 20/2005, kaas oo tilmaamaya qaabka uu mudanuhu ku waayi karo xubinimadiisa, waxaanu sheegay sida u nidaamku sheegayo in loo gudbin doono guddida Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo soo bedeli doona xildhibaanadii buuxin lahaa boosaskii ay baneeyeen.

Golaha golaha Wakiilada ayaa baryihii dambe kooram la’aan hawlihii qaranka ay u hayeen u qabsan waayey, waxaana jira xildhibaano badan oo dalka gudihiisa iyo dabadiisaba  joogo oo mudooyin badan ka maqnaa kal-fadhiyadda golaha Wakiiladda, taas oo golaha ka dhigtay mid fadhiid ah.

Xil ka xayuubintan afartan xubnood lagu sameeyey ayaa noqonaya talaabaddii ugu horaysay ee shirgudoonku ka qaado xildhibaan ka tirsan golahaasi ee fadhiyada golaha ka soo xaadirin mudooyin dheer.

Golaha Wakiiiladda, ayaa inta badan dadweynuhu ku tilmaamaan inay gabeen hawlihii ay u xil-saarnaayeen, isla markaana baryihii dambe ay u muuqdaan kuwo muxaafad ah oo kala taageersan xisbiga kulmiye iyo urur siyaasadeedka WADANI, taas oo keentay in mooshin walba oo golaha la keeno duuduub ku ansixiya.

Sidoo kale, waxa ilaa hadda khilaaf ka taagan yahay labada xil ee uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu Md: C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro  isku hayo, iyagoo  xisbiyadda qaarkood cabasho weyn u soo jeedinaya, kuna dhaliilaan inay isku milmeen urur siyaasadeedka WADANI iyo golihii Wakiiladdu oo labaddaba uu gudoomiye ka yahay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland