4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Ciidamadda Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Wariye ka tirsanaa Wargeyska Saxafi ee Magaalada Hargeysa kasoo baxa
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka socda sirdoonka magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa habeen hore saqdii dhexe xabsiga u taxaabay wariye C/fataax Maxamuud Caydiid oo ka tirsan wargeyska Saxafi oo kasoo baxa magaalada Hargeysa.

Saraakiishan ayaa xafiiska wargeyska ka kaxaystay wakhti lagu qiyaaso labaddii habeenimo goor wargeyska shaqadiisa dhamaatay, taas oo cabsi galisay shaqaalihii xarunta ku sugnaa wakhtigaas, isla markaana sugu kari waayeen ciidamaddu inta uu waagu baryayo.

“Xilli dambe oo wargeyska shaqadiisi dhamaatay oo ku beegnayd ilaa labadii habeenimo ayey ciidan uu hogaaminayo madaxda sirdoonka gobolka Hargeysa xafiiska noogu yimaadeen, kuwaas oo noo sheegay in wariyaha Cabditafaax amar lagu siiyo in la soo xidho”ayuu yidhi mid ka mid ah hawl-wadeenadda wargeyska HOL uga waramayey qaabka loo xidhay.

Shaqaaluhu waxay sheegeen inay saraakiishan sirdoonku  u sheegeen in amarka uu soo bixiyey taliyaha sirdoonka oo dalka dibadda kaga maqan, isla markaana aanay haysan wax tafaasiil ah oo sababta xadhigiisa ah oo ay bixinayaan.

Sidoo kale, Tifaftiraha wargeyska Mustafe Sh. Cumar, ayaa saraakiisha u sheegay in wixii dacwad ah ee laga qabo wargeyska uu ku shaqo leeyahay tifaftiraha wargeyska, isla markaana isaga kala xisaabtamaan, balse waxay sheegeen in amarka lagu soo siiyey in wariye Cabdifaraax in la soo qabto, sidaasna ay ku xidheen.

Maaha markii ugu horaysay ee xukuumadda Axmed Siillaanyo xabsi u taxaabto wariyeyaal, iyadoo aan loo soo marin haba-yaraatee sifaha sharciga ah ee  Dastuurka Somaliland, taas oo damaanad qaaday madax banaanidda warbaahinta, cidii ka cabatana sifo sharci ah usoo marto.

Xadhigan waxa cambaareeyey ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kaas oo sheegay inay khalad tahay in wariye la iska xidho, iyadoon loo soo marin sifihii sharciga, isla markaana habeen badh xabsiga loo taxaabo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland