4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2012
Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne oo baaq u diray Dhalinyarrada ka tirsan Xarakada Al-shabaab
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrikaa ee dhawaan gaaray magaalada Baladweyne, Col. Cismaan Dubad ayaa baaq u dirray dhalinyarrada ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.

Hadalkan ayuu ka sheegay taliyaha kulan maanta magaalada Baladweyne ku dhaxmaray mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti, kaasoo looga wada hadllayay habka loo sugayo amniga, loona dar dar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah deegaannada kale ee wali ku sii harsan gacanta Al-shabaab.

"Runtii baaq guud ayaan u dirayaa dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab, waa og-nahay in la qalday oo si aan hagaagsaneyn wax loogu sheegay, waxaan leeyahay isaga soo laabta qaladka aad ku jirtaan, waan idin soo dhaweyneynaa, waxaana idin balan-qaadeynaa amni buuxa," ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti.

Col. Dubad ayaa dhinaca kale fariin u darray shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobollka Hiiraan, isaga oo ugu baaqay in ciidamada Jabuuti kala shaqeeyaan amniga, madaama sida uu hadalka u dhigay shacabka la’aantii aan wax amaan ah la sugi karin.

"Annaga ujeedada socodkeenu waa in aan amniga ka shaqeyno, maamulka gacan ka siino sidii uu sugida nabad-galyada, waxaana leeyahay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ciidamada Jabuuti waa walaalihii gacan ka siiya sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen nabad-galyada,’’ ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Kulanka maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee dhaxmaray mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee si toos ah u dhaxmaray labada dhinac tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dhawaan gaareen ciidamada Jabuuti magaalada Baladweyne.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa sii adkeeyay baaqa ka soo yeeray taliyaha ciidamada Jabuuti, iyaga oo balan-qaaday in ay hagaajin doonaan nolasha dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab haddii ay ku soo biiraan sida ay hadalka u dhigeen hanaanka nabada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya