4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inuu wado Qorshe wax looga qabanayo Amniga Magaalada Baladweyne

Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaa qorsheyaal la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Axmed Cismaan Cabdalla Inji oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo ciidamada dowladda Itoobiya oo iskaashanaya wadaan qorshayaal la doonayo in wax badan looga qabto amaanka magaalada Baladweyne.

"Ciidamada maamulka gobollka, AMISOM iyo kuwa dowladda Itoobiya oo iskaashanaya waxaa u qorheysan in ay gacan adag ku qabtaan amniga magaalada Baladweyne, si looga hortago kuwa falalka amaan darro geysanaya, maamulkana waxaa ka go’an in nabad-galyada magaalada marka hore salka loo dhigo,’’ ayuu yiri Axmed Inji.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ka war hayaan qorshayaasha kooxda Al-shabaab ay ku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan dadka ku dhaqan degmada Baladweyne, laakiin sida uu sheegay ciidamadu u taagan yihiin in arintaa ay ka hor tagaan.

Warkan kasoo baxay maamulka gobollka Hiiraan ayaa imanaya xili dhawaan ay gaareen magaalada Baladweyne ciidamo ka socda dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasoo durbaba bilaabay in ay la wareegaan saldhigyo markii ay hore ay gacanta ku hayeen ciidamada Itoobiya si ay uga qeyb-qaatan sugida amniga magaalada Baladweyne.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii magaalada Baladweyne qarax lagula eegtay ciidamada Itoobiya, waxaana rasaas ay rideen ciidamada ku geeriyootay labo ruux oo rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya