4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2012
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon oo Calaamka ugu Baaqay inay kordhiyaan Taageerada Soomaaliya

Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ammaanay horumarka dhinaca dimuqraadiyadda ah ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo beesha caalamka ugu yeeray inay sii wadaan gargaarkii ay siin jireen Soomaaliya.

Ban ayaa hadal uu ka jeediyay kulan looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay New York ka sheegay inaan la joojin xilli waqti la lumiyo, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay weli la-lagdamayaan xaalado bani'aadmanimo iyo ammaan-darro.

"Maanta waxaan helnay isbedel aan muddo dheer sugaynay inuu yimaado," ayuu yiri Ban, isagoo intaas ku daray in dhamaan isbedellada dhacay ay sabab u ahaayeen fulintii heshiisyadii Kamapla iyo go'aannadii Jabuuti, wuxuuna soo dhaweeyay dorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa waxay laga hirgeliyay dowlad joogto ah, kaddib tobaneeyo sano oo dowladihii soo maray ay ku shaqeynayeen hab KMG ah, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay mid ay Soomaaliya kaga baxayso 21-sano oo colaado ah, waaana si isku mid ah u soo dhaweeyay isbedelka beesha caalamka iyo dalalka arrimaha Soomaaliya daneeya.

"Qorshaha looga gudbay xilliga KMG ah wuxuu ahaa mid ay si guud uga qaybgaleen dhammaan dhinacyada Soomaalida, sida haweenka, waayeelka iyo dhallinyarada. Waxayna muujiyeen karti iyo dadaal ay kaga hortageen wax walba oo horjoogsan karay," ayuu xoghayaha guud hadalkiisa ku daray.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga, ra'iisul wasaaraha xilligiisu dhammaanayo ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali, iyadoo uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isaguna kaga qayb galay dhinaca taleefoonka la iska arko.

"Maanta waxaan galaynaa hanaan cusub oo lagu dhisayo ammaanka Soomaaliya - waxaana kaas hoggaaminaysa dowladda Soomaaliya, iyada ayaana go'aan ka gaari doonta sidii lagu dhisi lahaa nabad iyo furasdo muddo dheer jiraya," ayuu yiri Ban oo ku taliyay in beesha caalamku ay ka taageeraan Soomaaliya dhinacyada nabad dhisidda iyo bani'aadamnimada.

Sidoo kale, xoghayaha guud wuxuu baaq adag u jeediyay calaamka, isagoo kula taliyay inay si dhaqso ah ay u laba-aabaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda Somaaliya kula taliyay in hay'adaheedu ay qaadaan mas'uuliyadda nabadda lagu soo celinayo, ayna ku shaqeeyaan habab dimuqraadi, cadaalad iyo dal-dhisid isugu jirta.

"Waa inaan diiradda saarno sidii aan ku caawin lahayn hay'adaha dowladda Somalia si ay awood ugu yeeshaan inay dib u dhisaan dalkooda kaddib muddo labaatan sano ka badan oo colaado ah," ayuu yiri Ban. "Shacabka Soomaaliyeed khatar badan ayay u soo galeen inay nabad helaan, waxaana loo baahan yahay in sannadaha soo socda la tuso nabad. Waxaana ka codsanaynaa inay tixgeliyaan go'aannada la gaaro."

Intii uu socday shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya shalay oo Arbaco ahayd, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu hambalyeeyay madaxda Soomaalida horumarkii lagu tallaabsaday, isagoo ka codsaday in howlaha yar ee haray lagu dhameystiro bilaha soo socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya