4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Danjire Augustine Mahiga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay ka baxayso xaaladihii ay muddada dheer ku soo jirtay
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in xiligii hore iyo hadda ay rajadiisa ku aaddan Soomaaliya aad u kala duwan tahay, wuxuuna xusay in xilligii hore uu ka rajo wanaagsan yahay xilligan.

Danjire Mahiga, wuxuu xusay in doorashadii uu baarlamaanku doortay  madaxweyne cusub ay astaan u tahay in dalka uu ka baxayo dhibaatooyinkii muddada dheer soo jiray, isagoo xusay inuu rajeynayo in toddobaadkan lasoo magacaabo ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad.

Sidoo kale, Mahiga ayaa go'aankii kasoo baxay Xisbul Islaam ee ahaa inay ka baxeen Al-shabaab uu astaan u yahay in Soomaaliya ay ka gudbayso xaaladihii khatarta ahaa, isagoo sheegay in tani ay tahay fursad aan horay u dhicin oo looga baahan yahay siyaasiyiinta Soomaalida inay dalka ku nabdeeyaan.
 
"Waxay ila tahay tani inay billow u tahay in xukuumadda cusub ay wajahayso inay sameyso nidaam siyaasadeed oo wax ku ool ah iyo dib u heshiisiin ay ka qaybgalaan xubnihii ka tirsanaan jiray Al-shabaab, waana furasddii ugu wanaagsanayd ee soo marta Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeysay," ayuu yiri danjire Mahiga oo BBC-da la hadlay.

Ergaygu wuxuu ku baaqay in laga digtoonaado weerarro Al-shabaab qaaddo marka laga adkaado, isagoo sheegay in kooxaha noocan oo kale ah lagu yaqaan markii laga adkaado inay weerarro ka fuliyaan iyagoo isku ekeysiinaya shacab.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay dagaalka ku wajahan Kismaay, isagoo sheegay inuu dhameystiran yahay qorshaha la doonayo in lagu qabto Kismaayo, isagoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu baaqay inay yareeyaan khasaaraha shacabka kasoo gaari kara dagaallada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya