4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Tartan Kubadda Cagta oo lagu Maamuusayay Marxuum Inj. Cali Xaaji Shirwac oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Gaalkacyo
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo lagu soo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayay Alle ha u naxatiirteen marxuum Eng Cali Xaaji Shirwac oo kol hore lagu dillay magaalada Baladweyne.

Tartanka oo soo socday dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ayaa ugu danbeytii waxaa isugu soo haray cayaarta kama danbeysta ah labada kooxood ee kala ah Kaambo iyo Faleebo oo cayaar kulul oo dhaxmartay isla dhaafi waayay waqtigii loogu talagalay 1-1 bar bar dhac.

Waxaa intaa kadib loo dhigay labada kooxood si loo kala saaro  Rigoore (Gool ku laad), taasoo ay guusho ku raacday kooxda Kaambo, oo la gudoonsiiyay Koobkii lagu maamuusayay marxuum Cali Xaaji Shirwac.

Munaasabada lagu soo xiray tartanka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Gaalkacyo, saraakiil, waxagarad, iyo dhalinyarrada degmada Gaalkacyo oo siweyn ula soctay tartanka tan iyo markii uu furmay.

Cabdiqani Khaliif Carrabeey oo ka mid ahaa qaban qaabiyayaashii tartanka ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu tartanku soo maray, waxaana uu u mahad celiyay dhamaan kooxihii ka qeyb-galay oo soo bandhiga cayaar wanaag anshax.

Ugu danbeytii qeyb-galayaasha munaasabada intoodii goobta ka hashay waxaa ka sheekeeyeen taariikhdii uu lahaa Eng Cali Xaaji Shirwac oo ay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi u taagnaa hormarinta adeegyada bulshada waxaana ay Eebe uga baryeen in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya