4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Munaasabad lagu taageerayay isbedelka ka dhacay Soomaaliya oo Stockholm lagu qabtay (SAWIRRO):


Sabti, september 22, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya  ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden.

 

Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta Folkets Hus ee xaafadda Rinkibey ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo cabbiray dareenkooda ku aaddan sida ay u arkayaan marxaladda uu dalka soomaaliya ku jiro, iyagoo si weynna u soo dhaweeyay dowladda aan KMG ahayn ee ay Soomaaliya yeelatay.

 


Ugu horreyn waxaa munaasabadda ayaado qur’aan ah ku furay Shiikh Ciise Cali Shiikh, kaasi oo kaddibna raacsaday hadal kooban oo dardaaran iyo duco isugu jiray, wuxuuna yiri ”waxaan allaah ka baryeynaa in uu dowladdan nooga dhigo mid kheyr qabta, madaxdeena waxaan u rajeyneynaa in ay noqdaan kuwo xilka loo doortay aqoonsada, isla markaana ummadda si daacad ah ugu adeega, annagana waxaa nalaga doonayaa in aan taageerno”.

 

Intaas kaddib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Munaasabadda Cabdi Dhuxul, si uu munaasabada uga jeediyo hadalkiisa furitaanka ah.Ugu horreyn wuxuu u mahadceliyay dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay oo sida uu yiri isugu yimid in ay weyneeyaan madaxda loo doortay dowladda Soomaaliya ka jirta, wuxuu caddeeyaay in uu aad ugu faraxsan yahay isbedelka ka dhacay Soomaaliya.

 

Ugaas Cabdi Nidaamiye ayaa ka hadlay munaasabadda wuxuuna  ugu horreyn u duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”Dowladda cusub waxaan leenahay alle ha barakeeyo waxaana leeyahay howl badan ayaa u taalla madaxdeeda in ay wax qabato, kuwaasi oo aan isleeyahay waxaa ugu muhiimsan  amniga iyo soo qaabeynta xukuumadda cusub.

 

Amniga waxay ku hanan kartaa dowladda cusub in la dhiso ciidamadii qaranka, lana tayeeyo, waayo dal wuxuu ammaankiisa sugmi karaa marka uu ciidamo qaran leeyahay, sidoo kale waxaa in la xuso mudan in madaxweynaha uu aad uga  fiirsado ra’iisal wasaaraha uu soo magacaabayo, waayo haddii mid fiican soo magacaabo waxaa uu ku heli karaa taageero badan, haddii aan fiicneyn soo magacaabana taageerada uu hadda heysto waa ay yaraan doontaa”ayuu yiri Ugaas Cabdi Nidaamiye.

 


Yaasiin Beynax ayaa munaasabadda ka hadlay, wuxuuna sheegay in uu si weyn ugu mahadcelinayo dadkii xafladda soo qabanqaabiyay, wuxuuna sheegay in uu doonayo in uu ka hadlo madaxda soomaaliyeed iyo howlaha horyaalla, sidoo kalena uu la hadlo dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga gaar ahaan dalka Sweden.

 

”Madaxweynaha waxaa saaran culeys weyn, waxaana leeyahay walaalow Allaah uga baq xilka laguu doortay, waxaana kuugu duceyneynaa in uu Allaah kuu fududeeyo xilka laguu doortay. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwo Sweden waxaan leeyahay midooba oo taageera nidaamka jira, waayo waxaad caan ku ahaydeen in hormuud u noqotaan in aad taageertaan isbedellada wanaagsan ee  ka dhaca dalka Soomaaliya”ayuu yiri Yaasiin Beynax.

 


Intaas kaddib waxaa dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay la hadlay ra’iisal wasaare kuxigeenkii hore ahaana wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab oo metelayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ay ahayd in uu la hadlo dadkii munaasabadda isugu yimid balse daqiiqadihii ugu dambeeyay mashquul noqday.

 

Xuseen Carab Ciise waxaa uu ugu horreyn u mahadceliyay dadkii munaasabadda isugu yimid, kaddibna waxaa uu tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Baar Village ee magaalada Muqdisho wuxuuna Allaah uga baryay in uu naxariistiisa ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Intaas kaddib wasiirka waxaa uu u sheegay dadkii munaasbadda ka soo qeybgalay in ay si weyn ugu howlan yihiin waxqabashada ammaanka Soomaaliya, ayna rajeynayaan inay mar dhow dalka ka saaraan sida uu u yiri inta ka harsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

 

”Waxaan leenahay shacabka Soomaaliyeed yeysan ku niyad-jebin qaraxii dhacay waayo isbedello xooggan ayaa dhici doona mar dhow,  waxaana idinka codsaneynaa in aad taageero hiil iyo hoo leh la garab istaagtaan dowladda, waana ku kalsoonahay in dowladdan ay noqon doonto dowladdii loo bahnaa oo aan KMG ahayn, sida aad la socotaan waxaan geli karnaa maanta heshiisyo caalami ah, dowladaha caalamkana waxaan ula macaamileynaa  annaga oo ah dowlado siman,”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

 


Mustafa Diini oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Stockholm ayaa ka hadlay munaasabadda wuxuuna mahadcelin kaddib yiri,  ”Dalka Soomaaliya waxaa uu u baahnaa qof mas’uul ah oo xilka loo dhiibay ka bixi kara, annaga qofkii dalka madax looga dhigo ayaan taageernaa, sida aan maantaba isugu nimid. Madaxweynaha waxaan leeyahay shacabka aragtiida iyo doonistiisa ku shaqee, kuna hoggaami waxa ay dadka rabaan

 

Sahra Barqadle oo ka mid ah gabdhaha aqoonyahanadda ah ee Stockholm ku nool ayaa iyaduna munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan isbedelka ka dhacay Soomaaliya, waxayna xustay in madaxweynaha Soomaaliya uusan waxba qaban karin, sidaas darteedna loo baahan yahay in ay dadka soomaaliyeed garab istaagaan.

 


”Soomaaliya 21 sano dhibaatooyin ayay ku soo jirtay, wax kastana waxay noqdeen fowdo, marka waxaan uga baahannahay baarlamaanka Soomaaliya in ay howl-karnimo muujiyaan, si dadka Soomaaliyeed ay uga gudbaan dowlad la’aantii muddada dheer ay ku soo jireen”ayay tiri Sahra Barqadle.

 

Sahra oo sii hadleysay waxaa ay intaas ku dartay in Soomaaliya ay hadda hoggaaminayaan madaxweyne iyo guddoomiye Baarlamaan oo aqoonyahanno ah, waxayna rajo ka muujisay in madaxwynaha uu soo magacaabi doono ra’iisal Wasaare isna aqoonyahan, si ay isula jaan-qaadaan.

 

”Waxaan u mahadcelineynaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo soo gaarsiisay Soomaaliya ay maanta taagan tahay, wuxuuna mudan yahay in sumcaddiisa iyo ammaankiisa la ilaaliyo”ayay tiri Sahra Barqadle.

 


Maxamuud Cali Xasan Afgooye oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm ayaa isna ka hadlay munaasabadda, wuxuuna hadalkiisa ku billaabay, ”Mudane Madaxweyne hambalyo iyo taageero naga guddoon, eebbe waxaan kaaga baryeynaa in uu kuu fududeeyo xilka laguu doortay, waan dareemi karnaa dhibka laga mudan karo marka la rabo in dib loo dhiso waddan muddo dheer colaado ku soo jiray oo wax kastana ay ka burbureen, waxaanse ku leenahay Alle talo saaro, kuna dadaala in aad ummadda si cadaalad ugu adeegtaan” ayuu yiri Maxamuud Afgooye oo ugu duceeyay madaxweynaha in uu Allaah waafajiyo in uu soo magacaabo ra’iisal wasaare aqoon leh oo soo dhisa xukuumad tayo leh.

 


Ilyaas Cali Xasan oo lagu wado in uu noqdo safiirka dalka Spain ayaa munaasabadda ka hadlay, wuxuuna hadalkiisa ku billaabay ”Isbedelka ka dhacay Soomaaliya waa mid taariikhi ah oo ahaa in Soomaaliya ay 22 sano kaddib ka dhacday doorasho xor ah, Soomaaliya ay noqotay dowlad buuxda oo aan KMG ahayn, isla markaana uu meesha ka baxay seddexeeyihii Soomaalida iyo caalamka ku kala dhex jiray. Soomaaliya hadda waxay geli kartaa heshiisyo caalami ah, hayeeshee waxaasi oo dhan qof kaligiis ma sameyn karo, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay taageeraan dowladda Soomaaliyeed”. 

 

C/casiis Geedi oo ka socday Ururka Waalidiinta iyo Macallimiinta Stockholm ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda, wuxuuna isna yiri ”Ummadda Soomaaliyeed waxaan leenahay qofka ma dareemo nimcada uu heysto balse wuxuu dareemaa marka uu waayo, taasi waxaan uga jeedaa markii aan dowladda ahayn halkii aan joognay iyo halka aan maanto joogno. Qof indho beelay oo indhihii loo soo celiyay oo kale ayaan nahay maanta. Sida muuqata waxaad maanta isugu timaadeen in aad cabirtaan dareenkiina waddaninimo, waxaana idin leeyahay wax walba oo dhacay ayaanan dib loo noqon, madaxdeenana alle haka dhigo kuwo aanan is-qaban”.

 


”Waxaan u hambalyeynayaa Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxdiisa, waayo baarlamaankani wuxuu yahay mid tayo leh oo ku shaqeynaya dastuur, inkastoo qudhiisa uu dhammeystir u baahan yahay”ayuu hadalkiisa ku sii daray C/casiis Geedi.

 

Maxamed Xaahji Maareeye oo ka mid ah odayaasha Katrineholm ayaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay dadkii munaasabadda soo qaabeeyay, kaddibna wuxuu u hambalyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, sidoo kalena wuxuu bogaadiyay howshii baaxadda lahayd ee uu soo qabtay madaxweynihii ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Cali Garaash oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Stockholm ayaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay, wuxuuna sheegay in howl adag u taallo madaxda iyo dowladda Soomaaliyeed, taasi ah oo in la dhameystiro dastuurka qabyada ah, wuxuuna ku kaftamay in laga rabo Baarlamaanka in dastuurka ay ku soo daraan wax curato cusub ku ah dadka Soomaaliyeed taasi ah oo in la cuno hilibka waraabaha.

 


Cali Garaash oo hadalkiisa ay aad ula dhaceen dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay ayaa ku luuqeeyay heesta astaanta u ah calanka Soomaaliya ee Soomaaliyeey toosoo, iyadoo dadkii munaasabadda ka qeybgalay oo fadhiga ay istaagay ay heestaas la qaadayeen.

 

Faadumo Maxamed Nuur oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed eek u nool magaalada Stockholm ayaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay, waxayna hadalkeeda ku billowday, “ Waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan hooyinka Soomaaliyeed ee waddanka  Soomaaliya gudahiisa ku nool, kuwaasi oo waxqabad weyn muujiyay. Waxaan imid waddankan 1974-kii welina waan heystaa afkeyga Soomaaliga, taasina waxaa ii saamaxay idinka oo aan idinku dhex jiro”.

 


“22 sano wixii dhacay in la fiiyo ma ahan, waxaa in la fiiriyo mudan wixii kala qoqobay soomaalidii isku xirneyd ee isku afka, diinta iyo isku dhaqanka ahayd”ayay hadalkeeda ku sii dartay Faadumo oo intaas ku sii dartay in dhibka ka jira gudaha Soomaaliya uu ka xanuun badan yahay midka heysta Soomaalida dibadaha u soo baxay, gaar ahaan kuwa Sweden ku nool oo kale.

 

“Hambalyo iyo bogaadin waxaa mudan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif waayo wuxuu dalka soo gaarsiiyay in ay doorasho qaab dimoqraadi ah u dhacday ay ka dhacdo, isla markaana ay labo madaxweyne xilka la kala wareegaan. Saxaafadda reer galbeedka ayaa qortay markii arrintaas dhacday in ay Soomaaliya markii ugu horreysay heshay dowlad dimoqraadi ah, laakin taasi anigu waan ku khilaafsanahay waxaana qabaa in aan ahayd dalkii ugu horreeyay oo African ah oo dimoqraadiyad horseeday, iyadoo ay xusuusan tihiin sidii ay isku bedeleen madaxweynayaashii Aadan Cabdulle Cusmaan iyo C/rashiid Cali Sharma-arke.

 

Munaasabadda oo ku soo gebagebowday jawi aad u fiican ayaa waxaa heeso ka qaaday fannaaniinta Cusmaan Amita, Cali Yalaxow, iyadoo ay goobjoog ahaayeen fannaaniinta Giyaajo iyo Keysar Cumar.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]