4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo sheegay inay lug ku lahaayeen Doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday Muqdisho

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Md: Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Soomaaliya ay xukuumadda Raad ku lahayd si ay madaxtinimadda ugu usoo baxdo dad ay wada hadli karaan.

Wasiirku waxa kale uu baaq u diray dhalinyarada reer Somaliland ee ka dagaalamaya koonfurta Soomaaliya, isla markaana taaageeersan Al-shabaab inuu cafis u fidinayo haddii ay ka soo noqdaan khaladkaasi ay ku jiraan, isla markaana doonayaan inay dib ula noolaadaan waalidkoodda.

"waxaanu ugu baaqaynaa xubnihii dhallinyarada ahaa ee fikirkaasi qaatay ee dagaaladdaas ka qaybgalay, haddii ay ka waantoobayaan oo ehelkoodii iyo dadkoodii doonayaan inay si wanaagsan ula joogayaan oo degan ula joogayaan, waxaanu u fidin karaynaa cafis, bani’aadamkoo dhami way khaldamaan, haddii ay noloshoodii dib u bilaabayaan, waanan soo dhowaynaynaa"ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo baaq u dirayey dhalinyaradda ka mid ah Alshabaab ee ka soo jeedda Somaliland, waxaanu sidaas ka sheegay mar uu waraysi siiyey Telefishanka HCTV.

Wasiirka waxa kale oo la waydiiyey inuu xidhiidh ka dhexeeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wararka sheegaya inay ka wada tirsan yihiin ururka islaamiga ah ee Islaax, waxaanu kaga jawaabay "isma naqaano madaxweynaha Soomaaliya shakhsiyan, laakiin Soomaaliya waxa hubaal ah in wada hadal la samaynayo, xukuumadan aan ka tirsanahay waxay Soomaaliya la waday wada hadal soo jiray, imika waa lala sii wadi doonaa", waxaanu intaas ku daray " Raad baanu ku lahayn doorashaddii, waxa jira cid u cadow ah Somaliland iyo cid wada hadalkii lala sii waddi karo, marka xidhiidh aanu la lahayn wuxuu ahaa xidhiidh war is gaadhsiineed, waliba xubno aan anigiyo ku jiray xidhiidh baanu la lahayn, waxaanu ka taxadaraynay cidee ayaanu wada hadalkii la wadi karnaa, cideese wada hadalkaasi la wadi karayn"ayuu yidhi, isaga oo aan ka jawaabin inuu ka tirsan yahay ururka islaax ee lagu eedeeyey inay ku wada jiraan madaxweynaha cusub.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka taagan labadda xil ee uu isku hayo guddoomiyaha golaha Wakiiladda, waxaanu sheegay in wax u diidaya in labadda xil isku hayo gudoomiyaha golaha Wakiiladda aanay jirin, waxaanu xusay in cidii arrintaasi diidan ay u banaan tahay inay sharciga u maraan.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay degmooyin aanay hore doorashooyin uga dhici ijrin oo muran ka taagnaa oo ku yaalay gobolada galbeedka inuu ku jiro sidii uu u soo afjari lahaa khilaafkaasi, doorashana uga dhici lahayd, kulan balaadhan oo lagaga tashanayo siday doorasho uga dhici lahaydna ku hawlan yahay.

Mudooyinkii u dambeeyey ayaa warbaahinta maxaliga ahi ay qorayeen wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland gaar ahaan wasiirada ugu shilis ee xilalka waaweyn ka hayaa ay ka tirsan yihiin ururka Islaax, isla markaana xidhiidh hoose ka dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, maadaama oo dhawr bilood ka hor ururkaasi shirweynahoodii ku qabsadeen magaaladda Hargeysa, baaqna ka soo saaray ay masuuliyiin ka tirsan xilal kaga qaadeen.Haseyeeshee, wasiiradaasi ilaa hadda kama hadal, wax jawaab ahna kamay bixin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland