4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Fanaankii weynaa ee Faysal Mushteeg oo si weyn loogu aasay Hargeysa

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa tacsi u diray fanaankii weynaa ee Faysal Cumar Mushteeg oo shalay aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa.

"Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee marxuum Faysal Cumar Mushteek," ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed.

Waxa intaas lagu daray: "Marxuumku waxa uu ahaa Xubnihii ugu horeeyey ee dhidibada u taagay fanka Somaliland iyo sidoo kale dadyoga af-somaliga ku hadlaba dhamaantood, waxaanu ahaa macalin dad farobadan oo reer Somaliland ah wax soo baray, taas oo ay ku anfaceen dadkooda iyo dalkoodaba."

Marxuumka ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay dad aad u faro badan oo ay ku jiraan gudoomiyaha xisbibul xaakinka xisbiga kulmiye, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirka dhallinyarada iyo dhaqanka, wasiirka kalluumaysiga, abwaano, fanaan iyo boqolaal dad kale oo aad isku yaqaaneen oo uu qaarkood macalin u ahaa.

Sidoo kale, waxaan u kala hadhin bahdii fanka Abwaan: Axmed Saleebaan Bidde, Abwaan Xasan Ganay, Abwaan Cabdi Qays, Abwaan Aadan Tarabi, Maxamed Xasan Cige, Maxamed Maxamuud Cige (Busi), C/naasir Macalin Caydiid, Caabi Mire Dacar, Fanaanadda weyn Faadumo Kaahin Maandeeq, Ruun Xaddi Saban iyo abwaano iyo fanaan kale oo aad u faro badan, waxaanay ka warameen taariikh nololeedkiisa iyo kaalintii uu ku laha fanka, iyagoo tilmaamay inuu ahaaa fanaaniintii dhidibada u taagay fanka iyo heesaha casriga ah, inkastoo xukuumadda ku dhaliileen in aanay waxba ka tarin mudadii uu xanuunsanayey aadna uga cadhoodeen inay ka soo qaybgalaan aaskiisa, maadaama oo aanay waxba ku tarin xanuunkiisii.

"Wasiirraa halkan yimi xukuumadda Somaliland ka socda, oo isku sawiraya maydka Faysal, Markuu yaalay dhakhtarkana, xabbad kiniina umay keenin manay dul iman, markaa waa nasiib darro Faysal Cumar Mushteegna waxa uu ahaa ninkii macalinka u ahaa inta badan wasiiradooda iyo macal jananadoodaba."ayuu si cadho leh u yidhi Maxamed Busi oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed oo si adag ula hadlay Wasiiradii xukuumadda ka socday, sida ay u dhayalsadeen oo aanay war uga hayn mudadii uu xanuunsanayey fanaanku.

Marxuum Faysal ayaa ahaa fanaan taariikh badan leh, waxaanu wakhtigi u macalinka ahaa loo bedelay dugsiyo badan oo ku yaalay gobolo iyo degmooyin kala duwan, isago marka dugsi loo bedelaba odhaah ama tix gaaban ka tiring jiray, taas oo markii dambe isku bedeshay halhayso dhaxal gal noqday bulshadda dhexdeena caan ka noqday.

Heesaha fanaanka kuwa dhaxalgalka noqday waxa ka mid ah hees uu u tiryey rag ay saaxiibo ahaayeen oo dibadda jeclaa inay u dhoofaan,isagoo ku guubaabinaya inay dalkooda joogaan waxa uu yidhi "Ha derderin carrada ha duulin, ha degdegine joog, nala joog iska joog, dalka lama necbaadee, dibedaha lama jeclaadee, waxaa iyana jirtay hees la yidhaa Subcis oo kamid ah heesihiisa caanka ah.

Fanaanka alla ha u naxariistee waxa uu magaaladda Hargeysa ku dhashay 1943 wakhti ku beegan, waxaanu waxbarashadisii ka bilaabay magaalada Hargeysa, dugsigii sare iyo tobabarkii macalinimana ka dhamaystay dugsigii hoyga ahaa ee Camuud ee magaaladdda Boorame, markii dambe waxa uu noqday Macalin aqoonyahano iyo siyaasiyiin wax soo baray, waxaanu markii dambe noqday Fanaan si weyn ugu soo shaacbaxday sanadihii lixdamaadkii, kuna heesi jiray luuqaddo badan gaar ahaan carabiga oo fanaaniin waaweyn oo reer Suudaan ah saaxiib ahaayeen.

Marxuumku waxa uu markii dambe ka mid ahaa kooxdii Barkhad Cas, kooxdaas oo ka koobnayd sagaal fanaan iyo gabadh kaliya, waxaana ka mid ahaa fanaaniintaasi Maxamed Mooge, Axmed Mooge, Cabdilaahi Zag-Zaag, Xudaydi, Cabdi qays, Cabdiraxmaan Xasan, Axmed Cali Dararamle,, Axmed Maxamed Good (Shimbir), Faysal Cumar Mushteeg iya gabadha kaliya ee kooxdaas ku jirtay oo ahayd Sahra Siyaad.

Alla ha u naxariisto fanaanka waxa uu labaatankii sanno ku noolaa magaaladda Hargeysa oo aanu meelna uga bixin, waxaanu ahaa fanaan inta badan dadweynaha iyo dhalinyarada ku xidhan yihiin aadna looga jeclaa bulshadda dhexdeedda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland