4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Ciidamo ka socda Dalka Jabuuti ee Qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo gaaray Magaalada Baladweyne


Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Ciidamo ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM kuna qalabeysan gadiidka dagaallka ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Col. Cismaan Dubad oo horkacayay ciidamada oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ciidamadan qeyb ka yihiin howlgalka midowgga Africa ee AMISOM, islamarkaana ka qeyb-qaadan doonaan sugida amniga guud ahaan gobollka, gaar ahaan magaalada Baladweyne.

"Sida aad arkeysaan ciidamadu waxaa ay wataan saanad militari oo ay ku jiraan gadiidkii dagaallka, socod dheer ayeey soo galeen oo dhulka ah, waxaana ay u socdaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen howlgalka guud ahaan laga wado dalka Soomaaliya ee midowgga Africa ‘’’AMISOM’’ si gaar ah gobollka Hiiraan ayeey ciidamada uga howlgali doonaan, wali waxaa jira tiro ciidamada ka tirsan oo dhiman iyaguna maalmaha soo socda ayaa la keeni doonaa," ayuu yiri Col. Cismaan Dubad.


Waxaa uu sheegay marka laga soo tago howlgalka AMISOM sidoo kale ciidamada Jabuuti ee maanta gaaray magaalada Baladweyne qeyb ka qaadan doonaan soo celinta adeegyadii bulshada, sida caafimaadka, kaabayaashii dhaqallaha, iyo gargaarka la gaarsiinayo dadka dhibaateysan.

"Ciidamadan ma’aha oo kaliya kuwo u socda howlgal militari, waayo waa ciidamo ku magacaaban HIIL Walaal, sidaa daraadeed waxaa ay gacan buuxda ka geysan doonaan dib u soo celinta adeegyadii bulshada, laakiin waxaan awoodeena marka hore isugu geyn doonaan sugida amniga," ayuu yiri hadalkisa raaciyay.

Ciidamadan oo ku hubeysan gadiidka dagaallka iyo qalab militari oo aad u xoogan ayaa fariisimo ka dhigtay duleedka Bari ee magaalada oo ay horay u sii joogeen tiro ciidamo Jabuuti ka socda oo dhowr bilood ka hor gaaray magaalada Baladweyne.

Dhinaca kale Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joog oo isgana la hadllay HOL waxaa uu sheegay in saacadaha soo socda uu bilaaban doono howlgal laga fulinayo degmooyinka ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab, gaar ahaan degmada Buula-burte oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobollka marka laga soo tago magaalada Baladweyne.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya