4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Ergay cusub ee Ururka Midowga Yurub ay u magacaabeen Soomaaliya

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kula kulmay maanta ergayga cusub ee Midowga Yurub ay u soo magcowday Soomaaliya, Michele Cervone D'Urso iyagoo kulankooda kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u qaabeynta hay'adaha dowladda.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda uu waqtigeedu sii dhammaanayo, Xaamud Cali Maasheeye oo kulanka ka qayb-galay ayaa saxaafadda u sheegay in madaxweynaha iyo ergaygu ay ka hadleen sidii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa iyo sidii baahiyaha dowladda looga jawaabi lahaa.

"Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dib u heshiisiinno waaweyn laga billaabi doono guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya si dib loogu soo celiyo ammaankii guud ee dalka," ayuu yiri Maasheeye oo saxaafadda la hadlay.

Ergayga cusub ee Midowga Yurub ay u soo magacowday Soomaaliya oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan baahi walba oo Soomaalidu ay qabto.

"Midowga Yurub si dhaqso leh ayuu uga jawaabay isbedelka Soomaaliya ka dhacay, waxaana ka mid ah in Midowga Yurub ay ii soo magacaabeen inaan noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya," ayuu ergaygu u sheegay saxafiyiinta.

Sidoo kale, ergayga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Waxayaabaha aan kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah, dib u dhiska dowladda iyo in la hubiyo in dowladdu ay ka jawaab-celiso baahiyaha shacabka. Midowga Yurub waxay diyaar u tahay inay caawiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya."

Ergaygan ayaa noqonaya kii guu horreeyay oo Midowga Yurub ay Soomaaliya u soo magacaabaan muddo 21-sano ah kaddib, waxaana imaanshihiisa Muqdisho uu kusoo beegmayaa iyadoo ay qaraxyo dilay dad badan ay ka dhaceen Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya