4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay Maamulka Puntland oo Maanta laga sii daayay Xabsiga Magaalada Boosaaso

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Waxaa maanta dib xoriyadiisii u helay Bile Maxamuud Qabowsade oo ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland, kadib markii uu mudo 5-bilood ka badan ku jirey xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Bile oo waxyar kadib markii uu xabsiga kasoo baxay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu dib xoriyadiisa u helo, wuxuuna mahad balaaran u jeediyey shakhsiyaad ay ku jiraan siyaasiyiin dowladda ka tirsan oo uu sheegay in ay sii deyntiisa gacan weyn ka geysteen.

Mar la weydiiyey sababta loo xiray iyo weliba qaabkii loola dhaqmayey intii uu xabsiga Gaal-shire ku jirey, wuxuu tilmaamay in xarigiisu uu yahay mid la xiriira arrimo siyaasadeed, islamarkaana uusan wax dhibaato ah xabsiga dhexdiisa kala kulmin.

"Waxan ku faraxsanahay in aan dib xoriyadayda u helo, waxanan u mahad celinayaa cid walba oo sii deyntayda gacan ka geysatey, waxan u xirnaana siyaasad bay ahayd. Waan hubey in aan maalin uun dib xoriyadeyda u heli doono, xabsiga intii aan ku jireyna si wanaagsan ayaa la iila dhaqmay" ayuu Qabowsade u sheegay wariyeyaasha.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan sababta ka danbeysey xariga siyaasigan iyo weliba sii deyntiisa oo kasoo baxay dhinaca dowladda, waxaana xusid mudan in mudadii uu xirnaa aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Bile Qabowsade oo horay usoo ahaan jirey la-taliyihii dhinaca saxaafadda ee madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cade, islamarkaana noqday wasiir ku-xigeenka kaluumaysiga xiligii ay jirtey xukuumaddii AHN madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, wuxuu qayb ka yahay dadka dhaliila siyaasadda madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

17-kii bishii April ee sanadkan ayeyna ahayd markii Qabowsade xabsiga loo taxaabay, waxaana sii deyntiisa si weyn usoo dhoweeyey bahda saxaafadda iyo siyaasiyiinta kale ee ay isku afkaarta yihiin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya