4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Dilal Qorsheysa oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Qarax lala beegsaday mid ka mid ah Gaadiid ay wateen ciidamada AMSIOM

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa xalay lagu dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamada booliiska ee ku sugan degmadaas ay sheegeen inay qabteen ruuxii dilka labada qof geystay.

Taliyaha saldhigga booliiska degmada Boondheere, Col. Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta saakay ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ruuxii dilka geystay, kaddib baaritaanno ay ciidamada dowladdu isla xalay sameeyeen.

"Laba qof ayaa la dilay, waxaana qofka dilay oo ay ciidamadu qabteen uu ahaa nin hubeysan, mana filayno inuu ka mid ahaa Al-shabaab ee waxaan u haysannaa inuu ahaa mooryaan," ayuu yiri Col. Xalfooy.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Boondheere ayaa sheegay in labada qof ee la dilay uu midkood ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda oo aan xilligaas labisnayn, iyadoo dilalkan ay walaac xooggan ku abuureen dadka degmadaas ku nool.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo ay rag ismiidaamiyay fuliyeen iyo dilal qorsheysan oo mid ka mid ah lagu dilay wariye ka tirsan kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.

Iyadoo ay falalkan ammaan-darro ka jiraan Muqdisho ayaa maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay inay wax badan ka qaban doonaan ammaanka, iyagoo ku eedeeyay falalkan ammaanka wax loogu dhimayo inay ka dambeeyaan Al-shabaab weli ku harsan gudaha Muqdisho.

Dhanka kale, gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM ayaa gallinkii dambe ee dhalay qarax weyn lagula beegsaday degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka iskuulka 15 May oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mid ka mid ah gaadiidkii AMISOM uu burbur xooggan kasoo gaaray qaraxaas.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin qaraxa lagu weeraray gaadiidka ay wateen ciidamadooda iyo khasaaraha kasoo gaaray, iyadoo ciidamada AMISOM ay tan iyo shalay ku sugnaayeen halkii qaraxyada lagula beegsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya