4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Dibadbax xooggan ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Xarakada Al-shabaab oo baaq u dirtay Shacabka ku nool Jubbooyinka

Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Dibadbax xooggan ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay magalaada Kismaayo kaasoo looga soo horjeedo duulaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Kismaayo islamarkaasina lagu taageerayay Xarakada Al-shabaab.

Dibadbaxan oo ahaa mid weyn ayaa waxa ka qeybqaadanayay kuamannaan dadweeyne ah oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Kismaayo, waxaana dadku ay siteen boorar ay ku qoranyihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan dagaallada maalmihii ugu danbeeyay ka holcayay gobolka Jubada Hoose.

Dadweeynihii dibadbaxa ka qeybqaadanayay ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee Kismaayo, waxaana ugu danbeyn ay isugu soo urureen fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda halkaasoo ay ku sugnaayeen masuuliyiin sar sare oo katirsan Al-shabaab.

Gudoomiyaha gobollada Jubooyinka ee maamulka Al-shabaab Sheekh C/raxmaan Xudeyfe oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay fagaaraha beerta xoriyadda ayaa sheegay in ciidamadooda ay u diyaarsanyihiin difaaca gobollada Jubooyinka, wuxuuna intaa ku daray in dagaallada aysan ku ekaan doonin Soomaaliya oo qura balse ay gaari doonaan gudaha Kenya.


Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan goboollada Jubooyinka in ay garab istaagaan xoogagga Al-shabaab, isagoona wax kama jiraan ku tilmaamay hanjabaadaha kasoo yeeraya saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo uu xusay in ay doonayaan in ay barakiciyaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Sheekh Xudeyfa ayaa yiri "Kismaayo waxay ku jirtaa gacanta mujaahidiinta amaankeenduna waa sugan yahay dhanwalba, xagga badda iyo xagga barriga, cadowga ilaahay kismaayo wuxuu u jiraa 70 KM waxaana safan mujaahidiinta."


Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa ugu baaqay qabaa'ilaadka dega jubooyinka in ay hubkooda qaataan islamarkaasina ka hortagaan waxa ay ugu yeereen "cadowga kusoo duulay shareecada Islaamka".

Dibadbaxa shalay gelinkii danbe ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli saraakiisha dowladda KMG ee Jubooyinka ay sheegeen in ay wadaan diyaargarowgii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya