4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Hay'adaha Xukuumadda Soomaaliya

Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan hay'adaha cusub ee dowladda Soomaaliya iyo xafiisyada xukuumadda, waxayna ku dhiirrigeliyeen madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo dhiso xukuumad loo dhan yahay lalana xisaabtami karo.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen qaraar ku saabsan in xukuumadda Soomaaliya ay meel-mariso barnaamij qeexaya mudnaanta koowaad ee waxa ka dambeeya xilliga KMG ah, waxayna ku taliyeen in afti qaran lagu ansixiyo dastuurka, sidoo kalena la qabto doorasho guud inta uu jirto baarlamaanka hadda jira.

Sidoo kale, golaha ammaanka wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay taageerto dib u heshiisiinta ayna sameyso howlo wax ku ool ah oo laga qaybgelinayo dhammaan maamullada maxalliga ah si adeegyadii bulshada dib loogu soo celiyo.

Golaha ammaanka ayaa wuxuu xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inay inay ku ballaariso qaanuunka iyo hay'adaha dowliga ah deegaannada laga qabsaday ururka Al-shabaab.

Xubnaha golaha ammaanka ee 15-ka ah ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay falalka bani'aadamnimada ka baxsan ee ay dhinacyadu geystaan, gaar ahaan Al-shabaab, waxayna carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in lala xisaabtamo cidda geysta gabood-fallada.

Ugu dambeyn, golaha ammaanka waxay ku celiyeen inay taageerayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka howlgala Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dunida inay ku caawiyaan ciidamadaas qalab iyo lacag.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya