4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigay mashruuc ballaadhan oo agoomaha lagu caawinayo oo laga hirgalinayo magaaladda Hargeysa


Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo loo dhisayo xarun lagu daryeelayo Caruurta agoomaha ee Somaliland.

 

Xaruntan lagu daryeelayo caruurta agoomaha ayaa laga hirgalinayaa bariga magaaladda Hargeysa, kaas oo ay maalgalinayaan dawladda Kuweyt oo u soo marinaysa hay’ada gargaarka iyo taburacaadka, kaas oo sheegay inay Somaliland ku caawinayaan.

 

Xafladii dhagax-dhiga waxa  madaxweynaha ku wehelinayey wasiir wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali xaaji xasan, Wasiirka Maaliyadda Md. C/casiis Maxamed Samaale, taliyayaasha Ciidamada kala duwan, Duqa Caasimadda, Marwada madaxweynaha marwo: Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo mas’uuliyiin kale iyo wefti ka socda dalka Kuweyt.

 


Dhismaha xaruntan cusub ee agoomaha oo loogu tallo galay inay qaaddo oo lagu xanaaneeyo ugu yaraan 750 caruurta agoomaha, kaas oo ay ku baxayso adduun dhan lix Milyan oo Doolar wejigi kowaad oo ay bixinayso Hay’adda gargaarka iyo tabarucaadka ee dalka Kuweyt.

 

Dhismahani ayaa la sheegay inuu noqon doono mid aad u qurux badan oo ka koobnaan doonna  qayb Hurdo, mid waxbarasho, qayb farsamadda lagu barto, masaajid weyn iyo Cisbitaal weyn.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal ka jeediyey munaasibadaasi ayaa uga mahad-naqay dalka Kuweyt kaalmadan ay ku taageerayso Somaliland, gaar ahaan caruurta agoomaha oo xaruntani muhiim u tahay sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalkooda, waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo  uu sheegay in mashruucani sidoo kale fursado shaqo u abuuri doono da’yarta reer Somaliland ee wax barata.

 


 
“waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xaruntan loo furayo dhalinyarada ee u baahan in wax loo qabto oo xarun loo sameeyo”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siillaanyo, waxaanu intaas ku daray “waa markii ugu horaysay oo xarun intaas leeg laga hirgaliyo dalkeena mustaqbalkeena wax weyn u noqonaysa dhalinyarada, waana mid mustaqbalka caruurta door weyn ka ciyaari doonta inay wax la qaybsadaan ummadda ay ka mid yihiin”

 

Wasiirada wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare iyo wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale  oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahadceliyey hay’adda reer Kuwayt ee mashruucan fulinaysa, iyagoo dhanka kalena bulshada u jeediyey inay doorkooda ka qaataan sidii mashruucaasi u noqon lahaa mid guulaysta, isla markaana ay ka faa’iidaystaan caruurta agoomaha ee reer Somaliland.

 


Dr khaalid Al Mashaa’i oo ka mid ahaa weftigii reer Kuweyt ee ka soo qayb galay munaasibadda dhagax dhiga ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic kala duwan oo ay dawladda kuweyt maalgelinayso, kuwaasoo lagu taageerayo Dawlada Somaliland.

 

Dhulkan laga dhisayo xarunta agoomaha ayaa waxa laga iibsaday dad shacab ah, kaas oo laga siistay laba boqol iyo konton kun oo dollar ($250 dollar), waxaanu maayarka magaaladda Hargeysa ku dooday in dhulkii mashaariicda laga hirgalin lahaa ay gacantii dadweynaha gashay, dhulkiina uu noqday ganacsi.




 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland