4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Dagaallo khasaare badan geystay oo ka dhacay inta u dhexeysa Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo culus oo ka dhacay deegaanno u dhexeeya magaalada Kismaayo iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalladan ayaa qarxay markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Raaskambooni ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Birta-dheer iyo Jannaay-cabdalla.

"Khasaare badan ayaa dagaalka ka dhashay, dhankeenna waxaa nooga dhintay afar askari, toddoba kalena way nooga dhaawacmeen," ayuu yiri taliye u hadlay ciidanka dowladda Soomaaliya oo dagaal qaybta ka ahaa.

Al-shabaab ayaa dhankeeda waxay sheegtay inay dagaalkaas ku dileen askar fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan, balse kama aysan hadlin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada lagu dagaalamay ayaa sheegay in dagaalladu ay socdeen muddo lix saacadood ka badan, iyagoo sheegay inay arkeen dhimasho badan markii ay dagaalladu joogsadeen.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka jira xaalad aad u kacsan; iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in saraakiishii Al-shabaab ee ku sugnaa degmadaas ay qaarkood isaga baxeen xalay, iyadoo la sheegay inay laba jaho u baxeen.

Xarakada Al-shabaab ayaa isku dayaysay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore inay difaacato magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaasoo lagu sheego meesha ay ka hesho dhaqalaaha ugu badan ee ay ku dagaalanto.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya oo AMISOM ka tirsan iyo xoogagga Raaskambooni ayaa muddo sannado ah isku daydayeen inay qabsadaan Kismaayo, iyagoo haatan u jirsaday masaafadii ugu dhaweyd abid, balse lama bixin karo wax saadaal ah oo ku aaddan sida uu xaalka Kismaayo ku dambeyn karo toddobaadyada soo socda.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo 500-km dhinaca koonfureed kaga beegan xarunta Soomaliya ee Muqdisho ayaa waxay ku taallaa xeebta bad-weynta Hindiya, waxaana haddii ay gacanta Al-shabaab ka baxdo noqonaysaa magaaladii ugu weyneyd ee laga qabsado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya