4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu xoogga saari doono Xasilinta dalka, soo celinta Sharciga iyo Xoojinta Midnimada

Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynimo ee dalka ayaa sheegay in dowladda uu dhisayo ay xoogga saari doonto lix qodob oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin xasilinta dalka, dib u dhiska dhaqaalaha, soo celinta sharciga iyo adkeynta midnimada Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka shaqeyn doonto sidii dib loogu dhisi lahaa dhaqaalaha qoyska oo uu sheegay inuu saldhig u yahay dhaqaalaha guu dee dalka, sidoo kalena ay dhallinyarada u abuuri doonaan fursado shaqo iyo xirfado ay ku shaqeystaan.



"Hadafkeenna koowaad waa inaan xasilinno dalka, waxaana xigi doonta inaan dhisno garsoor madax-babnnaan oo waxtar ah oo horseeda hab cadaaladeed oo shacabku uu raalli ka yahay," ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay khubad uu maanta ka jeediyay munaasabaddii uu xilka kula wareegayay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in howsha labaad ee ay qaban doonaan ay tahay soo nooleynta dhaqalaaha dalka, isagoo si gaar ah u xusay inay ka go'an tahay inay kobciyaan dhaqaalaha qoyska oo uu sheegay inuu saldhig u yahay kan guud ee dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in muddadii 21-kii sano ee ay dalka colaaduhu ka jireen ay dadka Soomaaliyeed dhibaato xooggan kala martay, isagoo xusay inay ka shaqeyn doonaan sidii dhibaatooyinkaas lagu masaxi lahaa.

"Waxaan u istaagi doonnaa sidii dadka Sooamalida ay uga heshiin lahaayeen wixii horay u dhexmaray, inagoo ka hortegi doonna wax walba oo dadka kala qaybin karana waan ka ilaalin doonnaa," ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas raaciyay. "Waxaan ka shaqeyn doonnaa sidii ay culummada iyo waxgaradka Soomaaliyeed oo sita calanka nabadda oo bulsho kasta oo wax sheeganaysa ay ugu baaqi lahaayeen nabadda."

Midnimada Soomaaliya ayuu ka hadlay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay midowday sannadkii 1960-kii, wxuuuna sheegay in wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland ay halkooda kasii socon doonaan.

"Kama shaqeyn doonno midnimo jajuub ah ama xoog dulamaasiyadeed ku timaadda. Balse waxaan ka shaqeyn doonnaa midnimo ku timaadda wadahadal, isqadarin iyo istixgelin walaalnimo oo raalli laga wada yahay," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto wanaajinta xiriirka dalalka calaamka ay la leedahay, isagoo xusay inuu u mahadcelinayo dalalkii iyo ururradii caawiyay Soomaaliya intii uu burburku jiray.

"Beesha caalamka iyo ururrada waxaan ka codsanaynaa inay markaan gashadaan ookiyaale ka duwan kuwii markii hore ay gashan jireen. Waxaana ka cosanaynaa in kaalmooyinkii ay Soomaaliya siin jireen ay noqdaan kuwo toos ah oo aysan u dhexeyn dhexdhexaadiyeyaal," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in haddii Soomaaliya aysan helin kaalmooyin iyo gacanta ay dunida uga baahan tahay aysan suurogal noqon karin in la dhiso dowlad awood leh, caalamkuna ay inta ay ka xoogeysanayaan ay si daacadnimo ku jiro u garab istaagaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheeagy in Soomaaliya ay doonayso inay ka baxdo dhibka ay kusoo jirtay muddada dheer oo ay ka mid yihiin: burcadbadeedda, argagaxisada iyo nidaam-xumada, isagoo codsaday in gacan laga siiyo sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatadaas. Isagoo sheegay in dal dhibaato ku dhacay uu soo kaban karo oo keliya marka la caawiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya