4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Mudaaharaadyo lagu Taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo ay halkaas isugu soo baxeen kumannaan qof.

Dadweynaha ayaa ku qaylinayay erayo ay ku taageerayaan doorashada uu kusoo baxay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada ku helay 190-cod, halka uu helay madaxweynihii hore oo ay tartamayeen 79-cod.

"Waxaan soo dhaweynaynaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana ka rajeynaynaa inuu noqdo mid dalka iyo dadka anfaca," ayay ahaayeen hadallo ay dadka isku soo baxay ku sheegayeen codad dhaadheer.

Mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Shabeellada dhexe oo dadweynaha qaarkood la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha cusub uu wax badan ka qaban doono xaalka uu dalku ku sugan yahay.

Degmada Balcad ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay Al-shabaab ka qabsadeen bartamihii sannadkan, waxayna ka mid noqonaysaa degmooyinka laga dhigay dibadbaxyada taageerada ah.

Sidoo kale, degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa iyadana tan iyo xalay ka dhacayay dibadbaxyo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Somalia loo doortay, iyagoo dadweynaha degmadaas ku tilmaamay doorashada mid si xaq ah ku dhacday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya