4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2012
Dadka ku nool Magaalada Baladweyne oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub kuna tilmaamay isbadal taariikhi ah
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Laga soo bilaabo subaxnimadii hore ee maalintii shalay ilaa laga soo gaaro fiidnimadii xalay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa ay siweyn ugu mashquulsanaayeen la socoshada doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, iyaga oo si toos ah ugala socday qalabka warbaahinta sida TV-da iyo Idaacadaha oo si toos ah u soo gudbinayay.

Markii ay xalay soo baxday natiijada doorashada laguna dhawaaqay in uu ku guuleystay xilka madaxweyne Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud waxaa al maqlayay rasaas cirka loo tuurayay, taasoo u muuqatay in lagu soo dhaweynayo isbadalka cusub ee uu dalku galay.

Hadal heynta ugu weyn ee saakay magaalada waa doorashada iyo madaxweynaha cusub oo ay dadku siweyn u soo dhaweeyeen, waxaana intooda badan oo aan wax ka weydiinay aragtidooda sheegeen in Xassan Shiikh Max’uud yahay  aqoonyahan ah xog-ogaal ah, madaama mudadii bur burka uu ka shaqeynayay gudaha dalka Soomaaliya, wax badanna kala socdo xaalada uu dalku waqtigan ku jiro.

Siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad, iyo odayaal ay HOL wax ka weydiisay doorashada iyo sida ay u arkaan madaxweynaha cusub, waxaa ay intooda badan isku raaceen in loo baahnaa is badalkan, madaama laga gudbay waqtigiii ku-meel-gaarka.

"Mar haddii laga baxay waqtigii ku-meel-gaarka loona gudbay dowlad rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, waa muhiim in ay hogaamiyaan wajiyo cusub, waayo waxaad la soctaan in hogaankii baarlamaanku uu mar hore isbadal ku dhacay, sidaa si lamid ah waa loo baahnaa in madaxda sare ee dalkuna is badalaan, ayeey ku soo ururiyeen aragtidooda dadkii ay la hadashay HOL.

Waxaa ay kula dar daraameen madaxweynaha cusub in uu soo xulu ra’iisal wasaare sida ay hadalka u dhigeen ka duwan kuwii horay u soo maray xukuumadihiin la soo dhaafay, si is badalku u noqdo mid dhab ah.

Sikastaba dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne waxaa la oran karaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay ahaayeen kuwo siweyn isha ugu hayay doorashada bal si ay wax badan uga ogaadaan natiijada ugu danbeysa ee soo baxda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya