4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Faahfaahin ku Saabsan Qarax Xalay ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) —Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeyso qarax xooggan oo baramaha magaalada Kismaayo xalay lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda oo wax ka iibsanayay goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taal Xaafadda Calanleey.

Qaraxan oo ahaa nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Somalistar ee xaafadda Calanleey, waxaana lagu tuuray goob qaadka lagu iibiyo oo ay xilligaasi ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa HOL u xaqiijiyay in qaraxa uu sababay dhaawaca afar qof oo rayid ah, mana jiraan cid ku geeriyootay qaraxaasi.

Ciidamadii qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka badbaadeen qaraxa, ilaa imikana lama garanayo cidda ka danbeeysay qaraxaasi.

Mid kamid ah saraakiisha Isbitalka Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in isbitalka lasoo gaarsiiyay afar qof oo dhaawac ah oo mid kamid ah ay ahayd Dumar.

“Afar qof ayaa la keenay isbitalka, waxa ku jirtay hal qof oo dumar ah, dhaawacyadooda waxay isugu jiraan kuwa culus iyo kuwa fudud,” ayuu Masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa saaka Isbitalka Kismaayo ku geeriyootay gabar kamid ah haweenkii dhawaan uu dhaawaca kasoo gaaray qaraxii Miino ee ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taal afaafka hore ee xarunta Degmada Kismaayo.

Haweeneydani oo lagu magacaabi Jiray Allaha u naxariistee Maryan Max'ed Arabow ayaa kamid ahayd dadkii cabsida uga barakacay magaalada Kismaayo xilliyadii ay xiisadaha ka jireen halkaasi, waxaana maalintii ugu horeeysay ee ay magaalada kusoo laabato uu qarax ku haleelay goob laga shaaheeyo oo ku dhawayd boosteejadii ay gaariga uga dagtay.

"Caruur ayay haysatay oo ay u xamaalan jirtay, maalmihii u danbeeyay xaaladeeda halis ayay ahayd oo dhaawac aad u daran ayaa gaaray, saakana isbitalka ayay ku geeriyootay," sidaa waxa HOL u sheegay mid kamid ah ehellada Marxuumad Maryan.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]

Kismayo, Soomaaliya