4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Hay'adda IIDA oo soo bandhigtay buug looga hadlay Xuquuqda uu Dastuurku siinayo Haweenka Soomaaliya (SAWIRRO)

Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Ururka horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA ayaa shalay oo Salaado ahayd kusoo bandhigatay xaruntooda Muqdisho buug ay ku faahfaahinayaan xuquuqda uu dastuurka KMG ah ee dalku siinayo haweenka iyo halganka ay haweenku u soo galeen sidii dastuur lagu heli lahaa.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ah wasiirka sii socda ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Duniyo Maxamed Cali oo ka socday IIDa, Sahro Cumar Maalin oo ka socotay SWA ahaydna guddoomiyihii guddi hoosaadka qoridda dastuurka iyo mas'uuliyiin ka socday ururrada STEP iyo CCHD.

"Tani waa markii ugu horreysay oo ay si wadajir ah u kulmaan saraakiisha xoogga dalka, xildhibaanno, bulshada rayidka iyo dad kale oo bulshada dhaxdeeda saameyn ku leh,” ayay yiraahdeen, Jen. C/weli Sheekh Maxamuud Xuseen iyo Axmed Maxamuud Maxamed oo ka mid ah saraakiishii kulankan ka qaybgalay iyagoo IIDA uga mahadceliyay kulankan ay qabatay.

Sidoo kale, kulankan waxaa goobjoog ka ahaa, xildhibaanad Duniyo Maxamed Cali Faarax, xildhibaanad Jawaahir Axmed Cilmi, xildhibaanad Casho Koos Maxamuud Cumar iyo xildhibaan Maxamed Maxamuud Guure.  iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka haayeen kulanka aqoonyahanno, ururro xirfadlayaal ah wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.



Xaliimo Ibraahim oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa hoosta ka xariiqday inay jiraan caqabado horyaalla dumarka, sida diyaarinta, xulashada golaha sharciyada Qaran, NCA iyo ansaxinta dastuurka.  

Sidoo kale, Duniyo Maxamed Cali oo kulanka ka hadashay ayaa waxay faahfaahin ka bixisay halganka ururada bulshada rayidka ay hogaaminayeen IIDA iyo SWA ay u soo galeen horumarinta haweenka Soomaaliyeed, sida in la xoojiyo xuquuqda ay u leeyihiin ka mid noqoshada siyaasada dalka iyo horumarinta dhaqanka. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh wuxuu isaguna qeexay in haweenka ay la kulmayaan caqabado xilliga fasiraadda iyo dhaqan-galinta dastuurka KMG ah.

Kulanka ayaa waxaa laga sheegay inay jiraan qodobbo ka mid ah dastuurka KMG ah oo dhowraya xuquuqda haweenka gaar ahaan; ka qayb-galka haweenku u leeyihiin ka mid noqoshada hay'adaha kala duwan ee dowladda; joojinta midab-takoorida ku salaysan jinsiga; gudniinka ficowniga; ilmo-soo-rididda oo la ogolaaday si nolosha hooyada loo badbaadiyo iyo ka-hortaga xad-gudubaka galmada, kala soocidda iyo faquuqid lagu sameynayo haweenka xarumaha shaqada. Qodobbo laga sugayo in lagu daro waxaa ka mid ah mamnuucidda guurka khasabka ah iyo in aan howlaha ciidamada laga faquuqin haweenka. 



Warbixintan ayaa waxay hoosta ka xariiqday caqabadaha soo wajahaya haweenka in ficil ahaan lagu badalo xuquuq dastuuri ah, caqabadahaas oo ay ka mid yihiin: awoodda dowlada ay ku bixinayso adeegyada, awoodda ay haweenka ku dalban karaan adeeg, taasoo ay sabab u tahay labaatankii sano oo aanay jirin dowlad shaqeysa, aqoon-darsi ka haysato dastuurka, awooda xaddidan ee maxkamadda dastuuri ah si loo sameeyo fasiraad dastuur, dhibaatada musuqmaasuqa dowlada dhaxdeeda ah, sharci-dajinta oo ku mashquulsan inay mudnaanta siiso nabadda iyo daganaanshaha halka ay siin lahayd xuquuqda haweenka mudnaanta koowaad.

Hay'adaha IIDA, SWA, STEP Programme iyo CCHD ayaa waxay si wadajir ah kulanka uga sheegeen inay sii wadi doonaan xulufeysi ay la sameeyaan hay'adaha kale ee Qaranka si dowlada iyo jilayaasha aan dowliga ahayn ay dadaal wadajir ah ugu bixin lahaayeen sidii lagu gaari lahaa qodobbadan.

Ugu dambeyn hay'adda IIDA oo kulankan soo qabanqaabisay ayaa waxay sheegtay in iyadoo fursadaan ka faa'iideysanaysa ay ku dadaalayso sidii looga mira-dhalin lahaa hadafka xuquuqul insaanka Soomaaliya.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya