4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2012
Xaflad lagu taageeryo dowladda madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo lagu qabtay magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington. Xaflaad oo aad loo agaasimey ayaa waxaa qabanqaabadeeda lahaay Gudoomiyaha Somali Community ee Seattle Sahra Bashiir taasoo ah gabar mar walba u heelan wax u qabadka Soomalida reer Seattle dhinacwalba sidoo kalena abaabul weyn u gasha sidii howlaha quseeyo Soomalida guud ahaan dalka iyo Dibada eey kor ugu qaadi laheyd.

Xafladaan oo si wadajir ah loogu soo dhoweynayey Gudoomiyaha Cusub ee loo doortey Baarlamaanka Soomaliya Mudane Mohammed Sh. Cusmaan Jawaari, Madaxweynaha Cusub ee Dalka Soomaliya Mudane Xassan Sh. Mohamud, iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dalka Soomaliya Mudane Abdi Faarah Shiirdoon oo ku magacdheer Saacid ayaa waxaa kasoo qeyb galay  Aqoonyahano, cuqaal, iyo martisharaf badan oo dagan magaaladan Seattle.

Xafladaan ayaa waxaa howsha maamulka iyo  xiriirinta wadey Mudane Mohammed Xaaji Beeso iyo Wariyaha Somali TV ee Seattle Wariye Mohammed Salaad Mohamud oo ku magacdheer Xabeeb ayaa Cuqaashii ka hadashey waxaa ka mid ahaa Xaaji Shoongale, Nabadoon Xuseen Muuse, Nabadoon Elmi Xuseen Sabriye, Mursal Guuleed, Hussein Muuse, Ali Mooge iyo Ali Daa’uud.

Dr. Muumin Dhimbil oo ah Dhaqtar Soomaliyeed oo asagu madasha ka Hadley ayaa   aad uga dardaarmey in laga fogaado kuwa tafaraaruqa u horseeda mar kasta doowlada, anagana lanooga baahan yahay inaan taageero buuxdo la garab istaagno doowlada Soomaliya.

Abdifatah Abdulaahi, iyo Abdifataah Ali Jeesteeye ayaa ayagu ka Hadley doowlad wanaaga iyo taariiqda hogaamiyeyaasha loo doortey dalka Soomaliya ayadoo Mohammed Shidane, Mohammed Warsame iyo Farhiya eey kusoo bandhigeen majaajilo runtii aad loola dhacey oo dhinacyo badan taabaneeysey.

Gabagabadii ayaa waxaa kulanka soo xirtey Gudoomiyaha Somali Community ee Seattle Sahra Bashiir taasoo shacabka reer Seattle ka codsatey ineey taageero hiil iyo hooba leh la gabar istaagaan doowlada u dhalatey Soomaliya kana shaqeeyaan midnimadooda meel walba eey joogaan.

Hiiraan Online
Seattle, USA