4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Uganda oo dalbaday in Ciidamadooda ka tirsan AMISOM laga soo saaro Soomaaliya
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Uganda ayaa ka dalbaday dowladooda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ka saaro, iyadoo taas looga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay u jeedisay Uganda taasoo ku saabsanayd inay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

Mudanayaashan ayaa waxay isku dayayaan inay dowladooda ku cadaadiyaan inay qaadato codsigooda, iyadoo la xusuusto in toddobadkii hore ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda inay tallaabo qaadan doonto haddii aysan Qaramada Midoobay ka laabtay eedeyn ay ku tilmaantay in lagu sumcad xumeynayo dalkooda.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan in ka badan 5,000 oo askari oo qayb ka ah howgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana haddii ay hirgasho in Uganda ay go'aansato inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya ay taasi dhabar-jab ku noqonaysaa horumarka ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dalalka Uganda iyo Ruwanda inay taageero milateri siiyaan jabhada M23 ee ka dagaalanta bariga dalka DR Congo, waxaase si aad ah uga xumaatay eedeyntaas dowlada Uganda oo qayb libaax ku leh howlaha nabad ilaaliyeed ee Qaaradda Afrika.

Ma jiro go'aan ay dowladda Uganda ka qaadatay codsiga xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka dalkeeda, iyadoo dhowr jeer oo hore uu sheegay madaxweyaha dalka Uganda, Yoweri Museveni inaysan ka baxayn Soomaaliya inta ay xaqiijinayaan howsha u joogaan.

Ciidamada fara badan oo ka tirsan kuwa Uganda ayaa Soomaaliya lagu dilay iyagoo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab oo isku dayday inay xukunka ka tuurto dowladdii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya, inkastoo ugu dambeyn Al-shabaab laga qabsaday dhul ballaaran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya