4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Qoysaska barakaca ku jooga duleedka Degmada Baladweyne oo sheegay in laga been abuurto Gargaarka la siiyo
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii  ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

Dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada kana mid ah qoysaska ku nool deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen sida ay hadalka u dhigeen war laga baahiyay warbaahinta gudaha oo ay hay’adda Save The Childaren UK ku sheegtay in ay u qeybisay barakacayaasha gargaar ka kooban xoolo iyo lacag.

"Waa waxba kama jiraan arintaa iyada ah, waxaan u baahannahay in ay hay’addu cadeyso halka ay gargaarkaasi geysay ama ku bixisay, annaga wax nala soo gaarsiiyay ma jiraan," ayay sheegeen waxgarad u hadllay qoysaska barakacayaasha ah.

Mar ay soo hadal qaadeen gargaarka ilaa iyo waqtiga ay heleen waxaa ay sheegeen in kaalmo kala duwan ay ka soo gaartay hay’adda ICRC, Jaaliyado dibada ah, iyo shirkadaha ka howlgala gobollka qaarkood.

Saraakiisha hay’addaha Save The Childarren wax war ah kama aysan soo saarin eedeynta uga timid qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne.

Sidoo kale waxaa jirta cabasho ay qoysaska qaarkood muujinayaan taasoo la xiriirta habka gargaarka loo qeybiyo, iyaga oo sheegay in ay kaalmada yar ee la hello ka faa’ideystaan hadba qoysaska ay is bar-garanayaan cid markaa gargaarkaasi bixineysa, iyaga oo ka dalbaday maamulka gobollka in uu arintaa soo faragaliyo.

Cabashada ka soo yeertay qoysaska barakacayaasha ayaa imaneysa xili wali magaalada Baladweyna ay ka da’ayaan roobabkii waqtiga deyrta, kuwaasoo soo xumeynaya rajadii ay in badan oo ka mid ah qoysaskaasi ka qabeen in ay dib ugu laabtaan guryihiin ay ka barakaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya