4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Rasaas khasaare geysatay ku furay gaari ay dad rakaab ah la socdeen
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Askarta furay rasaasta khasaaraha nafeed geystay ayaa la sheegay inay murmeen isaga iyo qofka rayidka ah ee dhintay, isagoo markii uu falkan geystay goobta ka baxsaday, waxaana labada qof ee dhaawacmay la sheegay inay ahaayeen arday.

"Gaariga wuxuu ka tagay KM-4 wuxuuna ku socday Siinaay, waxaa soo qabsaday askar, markiibana waxaa billowday muran u dhexeeya askariga iyo qofka dhintay, markaas kaddibna askarigu wuxuu rasaas badan ku furay gaariga, taasoo keentay inuu dhinto wiilkii uu muranka kala dhexeeya laba arday oo kalena ay dhaawacyo soo gaaraan," ayuu yiri mid ka mid ah rakaabkii la socday gaariga rasaasta lagu furay.

Dhaawacyadii ka dhashay rasaasta uu askarigu ku furay gaariga rakaabka waday ayaa isla markiiba loo qaaday isbitaalka Madiina si loogu daweeyo, iyadoo aysan jirin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo u gurmaday dadkii waxyeelladu kasoo gaartay rasaasta.

Falkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay uu askari ilaalo u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu dilay askari kale, iyadoo xildhibaanka oo lagu magacaabo Axmed Kenyaati uu sheegay inuu askariga ilaaladiisa ka tirsan ee dilka geystay uu u gudbinayo hay'adaha ammaanka Qaranka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaya rasaasta ay askarta ka tirsan ciidmada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ku furayaan gaadiidka rakaabka, iyadoo la xusuusto in falal noocan oo kale ah ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacayeen Muqdisho iyo daafaheeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya