4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Kenya oo ugu baaqday Xukuumadda Eritrea inay taageerto Nabadda Geeska Afrika ka hor inta aysan dib ugu biirin IGAD

Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

Safiirka u fadhiya dowladda Eriteria dalka Kenya ayaa u gudbiyay madaxweeynaha Kenya fariin ka timid madaxweeynaha dalkiisa Isaias Afewerki taasoo uu dowladda Kenya uga dalbanayay taageero in ay ku siiso dadaalka ay ugu jiraan dib ugu biiridda ururka IGAD.

Madaxweeynaha Kenya ayaa taageradiisa ku xiray in marka hore ay dowladda Ereteria ay taageerto hannaanka nabadda geeska Afrika, maadaama dowladda Ereteria marar badan lagu eedeeyay in ay taageero siiso ururro Islaami ah oo ka dhisan geeska Afrika.

Madaxweeynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka dowladda Ereteria ee ay ku dooneyso in ay markale ku biirto urur Goboleedka IGAD, haseyeeshee wuxuu arintaasi ku xiray in dowladda Ereteria ay marka hore taageerto howlaha nabadeed ee gobolka.

Hay’adda Qaramada Midoobay iyo urur Goboleedka IGAD ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Ereteria in ay taageero siiso kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya, wallow dowladda Ereteria ay inkirtay eedeeymahaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]

Kismayo, Soomaaliya