4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
PROF. JAWAARI: "Howlaha ugu badan ee baarlamaanku qabanayo afarta sano ee soo socota waa la xisaabtanka Xukuumadda"
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.


Prof. Jawaari wuxuu sheegay in sidoo kale uu baarlamaanku ka tashan doono waxa la gudboon marka uu xilkoodu dhammaado, isagoo sheegay in qorshayaashan oo dhan ay ku xusan yihiin qorshe howleedka baarlamaanka uu dagsaday afarta sano ee uu shaqeynayo.

"Howsha ugu culus ee baarlamaanka waxay noqon doontaa kormeeridda iyo sidii la xisaabtan loogu sameyn lahaa wasaaradaha dowladda," ayuu yiri Prof. Jawaari oo intaas ku daray in wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda lala xisaabtami doono saddexdii biloodba mar.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanku uu yahay mid ku hadlaya afka shacabka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoondaan baarlamaanka, maadaama uu iyaga matalo.

"Wasaarad walba waxaa la weydiin doonaa howlaha u furay, kuwii aan fulin sababta keentay inay fuli waayaan iyo xilliga la fulinayo," ayuu yiri Prof. Jawaari oo intaas ku daray in baarlaamanka ay ka go'an tahay inuu howlihiisa kasoo baxo.

Ugu dambeyn, Prof. Jawaari wuxuu sheegay in sidoo kale uu baarlmaanku dib u eegis ku sameyn doono dastuurka dalka oo horay loo ansixiyay, isagoo xusay in wax ka bedel lagu sameyn doono dhammaan qodobbada uu muranka ka taagan yahay, laguna caddeyn dono in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in dhawaan lasoo dhiso xukuumad iyo iyadoo xildhibaanadu ay maalmihii lasoo dhaafay ka shaqeynayeen qorhshe howleedkooda afarta sano ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya