4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Booliiska Kenya oo Mombasa ku dilay xubno ay ku sheegeen inay xiriir la lahaayeen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

Toogashadan ayaa timid kaddib markii booliiska Kenya ay u dhaceen saakay aroortii hore guri ay uga shakisnaayeen inay deggenaayeen kooxaha islaamiyiinta ah oo ku yaalla deegaanka Majengo oo ka tirsan magaalada dekedda leh ee Mombasa.

"Waxaan dilnay hal ruux oo laga shakisnaa, sidoo kale waxaan dilnay mid kale oo isku dayay inuu baxsado," ayuu yiri ku xigeenka taliyaha booliiska gobolka xeebta dalka Kenya ku yaalla, John Gachomo, isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay eryadeen kooxo kale oo goobta ka baxsaday.

Dowladda Kenya ayaa shaki weyn ka qabta in kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalkeeda ku sugan ay taageero ka helaan Xarakada Al-shabaab, ayna horay dhowr jeer uga fuliyeen qaraxyo ay dad badan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay ka heleen guriga ay weerareeen hub ay ka mid yihiin bastoolad, saddex bambooyinka gacanta ah iyo rasaas. Iyadoo hubkan la qabtay uu kusoo beegmayo xilli ay kordhayaan Islaamiyiinta iskahorimaadyada la galaya ciidanka booliiska Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacaya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ahayd xilligii ay Kenay go'aansatay inay Al-shabaab kula dagaalanto gudaha dalka Soomaaliya, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag xiriir dhow la leh Al-shabaab oo ku sugan dalkaas.

Falalkan ammaan-darro ayaa waxay sababeen inay hoos u dhacaan dadkii dalxiis ahaanta u tegi jiray dalka Kenya, iyadoo dhowr jeer oo hore Al-shabaab ay ugu goodisay Kenya inay ka geysan doonto dalkeeda qaraxyo aargudasho ah.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay qabsadeen hal sano kaddib howgalkooda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay u arkayeen inay tahay xudunta ay Al-shabaab iska soo abaabulaan, basle weli waxaa gudaha dalkaas ka dhacaya falalkii ammaan-darro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya