4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Ciidanka Booliiska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Maydka Ruux toogasho lagu dilay oo ay sheegeen inuu Weeraray Saldhig Ciidan

Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, ahna taliyaha hoggaanka dambi-baarista booliiska ee CID-da, Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa warbaahinta u sheegay in ruuxa la toogtay uu bambaano ku weeraray xalay fiidkii saldhig ciidan oo xaafadda Towfiiq ku yaalla.

"Maydka aad arkaysaa wuxuu ahaa ruux bam ku weeraray saldhig ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana toogtay ciidamadii uu bambaanada ku weeraray," ayuu yiri Jen. Bariise oo sheegay inaysan wax khasaare ah ciidamada u geysan bam-gacmeedkii uu ruuxa la dilay tuuray.

Dadweyne badan oo ku nool xaafadda Towfiiq oo goobta gaaray ayaa waxay qaar ka mid ah sheegeen in ruuxa dhallinyarada ah ee la dilay aanay garanayn, ayna ku taallo jirkiisa rasaas fara badan, tan iyo xalayna uu yaallay goobta lagu dilay.

"Maadaama la garan-waayay waxaanu doonaynaa in maamulka degmada aan ugu yeerro si ay u aasaan," ayuu yiri Jen. Bariise oo hadalkiisa ku daray in wiilkan ay u arkaan inuu yahay nin lasoo siray.

Degmada Yaaqshiid ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan iska horimaadyada iyo falalka ammaan-darro ee ay geysanayaan kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab, waxaana falkaas ay galaafteen dad aad u fara badan oo ay ku jiraan wariyeyaal.

Ugu dambey, afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ruuxa la dilay uu ka tirsan yahay Al-shabaab, inkastoo aysan jirin hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in ruuxan uu ka tirsanaa xoogaggooda iyo inuusan ka tirsanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya