4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku jira heerkii ugu dambeeyay wadatashiyadii uu kusoo Magacaabayay Golaha Wasiirrada

Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan ugu dhawaaqayo.

Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda shirar uu ra'iisul wasaaruhu la leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo kala tashanaya sida ay doonayaan inay noqoto xukuumadda uu soo dhisayo iyo howlaha ugu badan ee ay doonayaan inay qabato.

"Waxaa socda wadatashiyadii ugu dambeeyay oo ra'iisul wasaaruhu uu la leeyahay qaybaha bulshada. Waxyaabaha ugu badan ee uu kala tashanayo waa sida ay doonayaan inay golaha wasiirradu noqdaan iyo howlaha ay doonayaan inay diiradda saaraan," ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeennada madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay HOL.

Inkastoo uu diiday in magaciisa la xigto ayaa haddana wuxuu sheegay in ra'iisul wasaaruhu uu dadaal badan ugu jiro inuu soo dhiso gole wasaaradeed oo tayo leh, si ay isbedel deg-deg ah ugu sameeyaan xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

Ra'iisul waasaraha Soomaaliya ayaa u sheegay xildhibaannada baarlamaanka markii uu kalsoonida helay inuu soo dhisi doono dowlad tayo leh oo tiro yar, isagoo si gaar ah u sheegay in xukuumaddaas ay xoogga saari doonto sugidda ammaanka guud ee dalka iyo dib u dhiskiisaba.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii koowaad ee Ciiddul Adxa ka sheegay Muqdisho inuu socdo daaalka lagu soo dhisayo xukuumadda, taasoo uu sheegay inuu rajeynayo inay noqoto mid dalka u horseedda nabad iyo baraare.

Soomaaliya ayaa bishii Ogoosto ee sannadkan ka baxday xilligii KMG-ka ahayd ee ay kusoo shaqeynsay 12-ka sano, iyadoo la doortay madax cusub, kuwaasoo ballan-qaaday inay horseedi doonaan in shacabku ay soo doortaan hoggaamiyeyaashooda marka laga gudbo afartan sano ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya