4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Magaalada Eskilstuna oo si weyn looga dabaal-degay munaasabadda Ciidul-Adxa (SAWIRRO)


Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

 

Dadka ayaa Salaadda ku tukaday goob aad u ballaaran oo ku taalla xaafadda Årby ee magaalada Eskilstuna, waxayna salaadda kaddib dadku isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciidda, iyagoo isu gudbinayay hadallo is-marxabbeyn iyo kalgaceyl uu xambaarsan yahay, waxaana ka mid ahaa Ciid wanaagsan ama Ciid Mubaarak iyo iyagoo isugu duceynayay in uu Allaah sanadkan  sanadkiisa ku gaarsiiyo wanaag iyo horumar.

 


Sidoo kale Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Eskilstuna waxaa ay farxadda ciidda la wadaageen dadyow kale oo ka soo jeeda Wadamo Muslim ah, kuwaasi oo iyagana si weyn u faraxsanaa, isuguna hambalyeynayay munaasabadda ciidda.

 

Magaalooyinka kale ee dalka Sweden sida Caasimadda Stockholm, caasimadda labaad ee Gothenburg iyo magaalooyin kale oo dalka Sweden ka mid ah ayaa iyana si weyn looga ciiday.









 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]