4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Guud ahaan gobolladda Somaliland oo maanta si weyn looga Ciidday iyo madaxweynaha oo farriin u diray dadweynaha


Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa  maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

 

Dadweynaha magaalada Hargeysa  oo maalmihii u dambeeyey si weyn looga dareemayey soo dhoweynta maalinta oo caruurta iyo guryaha alaabooyin cusub loo iibinayey, ayaa saaka u dareeray salaadii ciida, waxaana garoomadda waaweyn iyo dhulka banaan iskugu soo baxay kumanaan kun oo dadweyne rag iyo dumar, caruur iyo ciraale iskugu jiray, kuwaas oo wajiyadooda ka daramaysay sida ay ugu faraxsan yihiin, isla markaaana qof waliba qofka ka soo hor baxay ku odhanayey ciid mubaarak.

 

Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isna saaka kala qaybgalay dadweynaha magaalada Hargeysa, waxaanu salaada ku tukaday masjid jaamaca weyn ee magaaladda Hargeysa, waxaanu halkaasi hadal kooban oo uu ka jeediyey dadweynaha ugu hambalyeeyey munaasibada ciida.

 


 
“Anigoo magaca qaranka Somaliland ku hadlaya waxaan leeyahay ciid wanaagsan, ilaahay waxaan ka baryeyaa in sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, caalamka islaamkana waxaan u rajaynayaa wanaag iyo sharaf”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo khudbad kooban ka jeediyey masjidka, waxaanu intaas ku daray “waxaan ummadda Somaliland ugu baaqaya meel ay joogaanba in aynu ilaashano qaranimadeena, wada jirkeena iyo midnimadeena, waxa jira dad badan oo dhibaato ku haya xasiloonnida iyo deganaashaha dalkeenna, waxaa qudha ee aynu kaga baxsan karnaa waa midnimo iyo wada jir weeyi”.

 

Madaxweynuhu mar uu dadweynaha iyo saxaafadda la hadlayey waxa uu yidhi “waxaan dadweynaha Somaliland yar iyo weyn oo ay saxaafaduna ku jirto inay dadka reer somaliland wanaag iyo midnimadooda u hor kacaan, kuna guubaabiyaan oo dadka iyo dawladoodda aan xumaan iyo naxli la kala dhex dhigin ayaan ka codsanayaa”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

 


Madaxweynuhu markii uu salaada ka yimid waxa uu booqday xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa oo caruurtii Agoomaha soo salaamay ka dib waxa uu ku soo noqday qasriga madaxtooyada oo dadweyne badan oo soo booqday uu madaxweynuhu qaabilay, kuwaas oo u badnaa madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan.

 

Dhinaca kale, inkastoo xaga tukaamaysiga ciida soonfur ka dhaqdhaaq badan tahay Ciiddan, hadana waxa ilaa shalay si weyn loo soo iibsanayey oo suuqeedu xaami ahaa xoolihii la qalanayey, maadaama oo ciidani tahay tii xoolaha la qalayey, taas oo keentay in  Sayladda magaalada Hargeysa xoolo la kala waayo, iyadoo qiimaha neefka adhigi gaadhay shalay in la kala siisto ilaa $120 dollar ilaa 130 dollar neefkii, taas oo noqonaysa halkii ugu saraysay ee uu gaadho, iyadoo Saylada Hargeysi markii horaba ka qaalisanayd Sayladaha dalka ee kale.

 


Sidoo kale, waxa salaaddii subax ilaa barqadii da’ayey roob shuux ah oo aan badnayn, balse dhulkii qaboojiyey, isla markana waxa cirka shaqlanaa ama qariyey daruuro, iyadoo mar walba la filan karo inuu roob weyni Da’o.













 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland