4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Muqdisho oo si weyn looga ciiday iyo Madaxda Dowladda oo Hambalyo ku Aaddan Ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed

Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

Xaafadaha degmooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa caruur labisan si ay u muujiyaan inay maanta tahay ciid, waxaana sidoo kale masaajidda ku yaalla degmooyinka Muqdisho laga tukaday salaaddii ciiddu saacaddu markiii ay ahayd 8:00 aroornimo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aaddan ciiddan u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan, isagoo soomaalida qurbaha ku nool u rajeeyay inay sannadkan kiisa kale ku dalkooda oo nabad ah.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan u rajeynayaan inay ciiddan teeda kale ku ciidaan nabad iyo baraare intan ka badan, gaar ahaan kuwa dalka dibaddiisa ku nool," ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in dowladdu ay dadaal u galayso xaslinta dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo isna shacabka kala hadlay warbaahinta ayaa u rajeeyay wanaag iyo horumar intaan ka badan, isagoo ku borriyay shacabka Soomaaliyeed inay qayb ka qaataan soo celinta nabadda dalka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sidoo kale u diray shacabka Soomaaliyeed hambalyo kuwan la mid ah, isagoo shacabka ka dalbay inay dowladda gacan ku siiyaan sidii ay uga shaqeyn lahayd dib u dhiska dalka iyo nabad soo celinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya