4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Sannadkan oo noqonaya kii ugu khatarta badnaa ee soo mara Suxufiyiinta Somalia ka howlgala (Magacyada Wariyeyaasha la dilay)
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wariyihii ugu dambeeyay oo ahaa Axmed Saakin Faarax ayaa habeen hore kooxo hubeysani ku dileen degmada Laascaanood oo ay ka taliso Somaliland, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilkiisa geystay.

Ma jirto cid loo qabtay dilalka wariyeyaashan oo saddex ka mid ah lagu dilay qarax weyn oo ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka tiyaatarka Muqdisho, iyadoo ay dilalkan sii kordhiyeen cabsida ay qabaan suxufiiyiinta ka howgala gudaha dalka Soomaaliya.

"Dilka Axmed Saakin wuxuu ahaa mid argagax leh, wuxuuna qayb ka yahay olole looga soo horjeedo saxaafadda," ayuu yiri Cabdullaahi Axmed Nuur oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray: "Waxaan waynay saaxiib weyn."

Magacyada suxufiyiinta algu dilay sannadkan Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin:
  1. Xasan Cusmaan Cabdi (Fantaastik) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Janaayo
  2. Abuukar Xasan Maxamuud (Kadaf) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Feberaayo
  3. Cali Axmed Cabdi oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo, 04-tii Maarso
  4. Mahad Salaad Aadan oo lagu dilay magaalada Baladweyne, 05-tii Abriil
  5. Farxaan Jeemis Cabdulle oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, 02-dii May
  6. Axmed Caddoow Canshuur oo Magaalada Muqdisho lagu dilay, 23-kii May 
  7. Cabdi Jaynaani Malaaq (Marshaale), oo Muqdisho lagu dilay 31-kii July
  8. Yuusuf Cali Cismaan (Fareey) oo Muqdisho lagu dilay, 12-kii Ogoosto
  9. Maxamed Cali Buneyste oo Magaalad Muqdisho lagu dilay 12-kii Ogoosto
  10. Liibaan Cali Nuur oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
  11. C/sataar Daahir oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
  12. C/raxmaan Yaasiin oo lagu dliay Qarax Mudisho ka dhacay, 20-kii September
  13. Xasan Yuusuf Absuge oo lagu dilay magaalada Muqdisho, 21-kii September
  14. Cabdiraxamaan Maxamed Cali oo Muqdisho lagu dilay, 27-kii September
  15. Axmed Cabdullaahi Fanax oo Muqdisho lagu dilay 28-kii September
  16. Axmed Saakin Faarax oo lagu dilay magaalada Laascaanood, 23-ii Oktoobar
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tiriyaa dalalka ay adag tahay in suxufiyiintu ay ka shaqeeyaan, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilalka suxufiyiintan loogu geystay Muqdisho sannadkan oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya