4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo ansixiyay Miisaaniyadda ay ku shaqeynayso dowladda bilaha sannadkan ka harsan

Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka harsan oo ay ku jirto bishan Oktoobar.

Kulan ay xildhibaannadu maanta ku yeesheen ayaa waxaa markii hore warbixin looga dhageystay guddi shan xubnood ka kooban oo horay loogu saaray inay dib u eegis ku sameeyaan miinaasiyadda oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Dhageysiga waribxinta guddiga kaddib ayaa waxaa billowday doodo adag oo ay ka yeesheen miisaaniyaddan xildhibaanada taasoo qaadatay muddo dheer, iyadoo ugu dambeyn uu guddoomiyaha baarlamaanka geliyay codeyn gacan-taag ahayd.

"Kooramka soo xaadiray fadhiga baarlamaanka ee maanta waxay ahaayeen 174-xildhibaan, waxaa ogolaatay miisaaniyadda 169-xidhibaan, saddex ayaa ka aamusay halkna waa diiday, sidaa daraadeed miinaasiyaddu waa ansaxa," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir guddoominayay.

Miisaaniyaddan ayaa waxaa toddobaadkii hore dib u celiyay baarlamaanka iyadoo codsaday in talooyin laga soo bixiyo, waxaana maanta ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyaan miisaaniyad ay ku shaqeynso dowladda cusub ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 kursi ayaa waxaa lasoo xulay bishii Ogoosto ee sannadkan, iyadoo la dhaariyay isla bishaan, waxayna doorteen 10-kii bishii September madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna maalmo ka hor ansixiyeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo aan weli ku dhawaaqin xukuumaddiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya