4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Kulan looga hadlayay Qorshaha Ammaanka Somalia oo dhexmaray Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Saraakiil Soomaaliyeed


Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay sidii ururrrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan lahaayeen xaslinta dalka ayaa maanta ku dhexmaray Muqdisho saraakiishii hore ee ciidamada milateriga Soomaaliya ee dajiyay qorshaha xasilinta dalka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay Baar Liido ayaa waxaa soo agaasimay ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa waxsaa saraakiishii lagu casuumay looga dhageystay habka ay u dajiyeen qorshahan iyo sida looga qayb-qaadan karo xasilinta dalka.

Saraakiishii kulankaan ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: Jen. Maxamed Saalax, Jen. Axmed Maxamed Maxamuud (Carab), Inj. Cumar Cabdullaahi Handi, Jen. Axmed Maxamed Xuseen, Jen. Xasan Maxamed Cali (Xasan Kornayl), Jen. C/weli Sheekh Maxamed iyo Jen. Cabdinaasir Maxamed (Indho-qarsho).

"Dalka waxaa lagu xasilin karaa iyadoo la helo ciidammo qaran oo mushaarkooda uu yahay mid joogto ah," ayuu yiri Jen. Maxamed Saalax oo kulanka ka hadlayay, isagoo sheegay in qorshaha dalka lagu xasilinayo ee ay dajiyeen uu qayb ka yahay in la dhiso ciidammo qaran oo mushaarkooda la siinayo.

Jen. Maxamed Saalax wuxuu sheegay in qorshaha xasilinta dalka ee ay sameeyeen uu ka dhashay kulan dalka Mareykanka ku dhexmaray saraakiishii hore ee dalka iyo kuwa gudaha ku sugan, isagoo xusay in kulankaas ay kasoo baxday in Soomaaliya loo diro 15-sarkaal oo sahan kusoo sameeya xaaladda dalka iyo sida ugu habboon ee wax looga qaban karo taasoo lagu guuleystay.


"Qorshaha xaslinta dalka waxaa ka mid ah in dhammaan saraakiishii hore ee dalka dib loo howlgeliyo; sidoo kalena la qoro ciidammo cusub lana dajiyo saldhigyadii ay ciidamadu lahaayeen, si joogto ahna loo bixiyo mushaaraadkooda, maadaama uusan askari baahani waxba difaaci karin," ayuu yiri Jen. Maxamed Saalax.

Sidoo kale, waxaa kulankaas ka hadlay saraakiil ay ka mid yihiin Jen. Indho-qarsho iyo Jen, Xasan Kornayl waxayna sheegeen in dalka lagu xasilin karo iskaashi, balse aysan jirin cid si gaar ah wax uga qaban karta, waxayna ka dalbadeed qaybaha kala duwan ee haweenka inay gacan ka geystaan sidii dalka loo xasilin lahaa.

Jen. Axmed Carab oo isaguna hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku badbaaday haweenka, haddana loo baahan yahay in iyaga loo kaashado si nabaddii iyo deggenaashihii horay u jiray loogu soo celiyo.

Intaas kaddib waxaa hadlay, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ku hadlaysay magaca ururrada bulshada rayidka ah ee kulanka soo qabanqaabiyay; iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan saraakiisha dowaldda si ammaanka dalka dib loogu soo celiyo.

Ugu dambeyn, saraakiishii kulanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan ammaanka dalka, taasna ay caddeyn u tahay inay kasoo laabteen dalalkii ay muddada dheer ku noolaayeen.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya