4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo soo bandhigay hub ay sheegeen inay lahayd Xarakada Al-shabaab

Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta soo bandhigay hub ay sheegeen inay kasoo heleen kayd ay Al-shabaab ku lahayd gobolka Shabeellada hoose.

Hubka oo lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid ay ku dagaalami jireen Xarakada AL-shabaab ayna kasoo heleen meel lagu qariyay, iyadoo uu hubkaas ka mid ahaa qoryaha fudud, bambooyin iyo qoryaha culus.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa waxay hubkaan kasoo saareen meel ay Al-shabaab ku qarsadeen oo u dhexeysa deegaanka Ceelasha biyaha iyo degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose," ayuu yiri Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo saxaafadda la hadlay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in hubkan ay Al-shabaab u adeegsan jireen inay weerarro ku geystaan, isagoo sidoo kale sheegay in lasoo qabtay xubno Al-shabaab ka tirsan oo ku sugnaa saldhiggaas qarsoodiga ah ee hubka laga soo helay.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo iyaguna ku sugnaa halka hubka lagu soo bandhigay ayaa sheegay in markii hubkan la ogaaday halka uu yaallo oo ay ciidamadu tageen uu dhacay dagaal xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac, balse ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay qabsadaan goobtaas ayna hubkan kasoo saaraan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda ay soo bandhigaan hub ay sheegeen inay kasoo heleen meel lagu qariyay oo ay lahayd Xarakada Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin inay hubkan iyadu lahayd.

Dhanka kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Dhego-badan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya