4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Maxkamadda darajada Koowaad ee Puntland oo dil Toogasho ku Xukuntay Nin Yemeni ah oo lagu qabtay hub kala duwan
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil toogasho ah ku ridday nin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu hub sharci-darro ah kasoo dajiyay deegaan ka tirsan gobolka Bari.

Eedeysanaha la xukumay oo lagu magacaabo, Saalixi Casiis Cabuud oo 50-jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Xarakada Al-shabaab, iyagoo laga sheegay maxkamadda in lasoo qabtay isaga iyo hubkiisa deegaanka Xaabo ee gobolka Bari.

Qareenkii u doodayay ninkan Yemniga ah ayaa wuxuu ka dalbaday maxkamadda in dambiga loo qafiifiyo maadaama uu isagu ahaa wadaha doonnida oo keliya, balse uu hubka watay nin kale oo baxsaday, balse qareenka waa laga diiday soo-jeedintiisa.

Garsooraha maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu xukumay eedeysanaya inkastoo aan la sheegin xilliga lagu fulin doono, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ruux u dhashay dalka Yemen ay dil ku xukunto Puntland.

Hubka lagu qabtay ayaa la sheegay inuu isugu jiray qoryaha fudud, rasaas, walxaha qaraxyada laga sameeyo iyo baasuukayaal, waxaana hubka isla maanta lagu wareejiyay madaxtooyada Puntland.

Maamul goboleedka Puntland ayaa tan iyo sannadkii 2010 wuxuu la tacaalayay sidii uu uga adkaan lahaa xoogag taabacsan Al-shabaab oo deggen deegaanno ka mid ah kuwa ay ka taliyaan Puntland, kuwaasoo dagaallo culus la galay ciidamada Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya