4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Hoggaanka dambi-baarista Booliiska Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dilal geystay
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Hoggaanka dambi-baarista booliiska Somalia ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho laba wiil iyo gabar la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab, iyadoo labada wiil la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho iyo Baydhabo.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya ahna taliyaha hoggaanka dambi-baarista booliiska Soomaaliya (CID), Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta hoggaanka dambi-baarista booliiska ayaa sheegay inay jiraan 11-ruux oo kale ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee Muqdisho, kuwaasoo ay ku caddaadeen inay dilal geysteen uuna ka mid ahaa dadka la gubiyay ruux lagu magaacabo, Cabdi-Jamaal Cabdullaahi Xayle oo uu sheegay inuu dil u geystay, Dr. Xakiin Maxamuud Khaliif Shire.

"Waxaan maanta soo bandhigay saddexdan qof ee aad u jeeddiin oo mid ay tahay haween, kuwaasoo dilal ka geystay Muqdisho iyo gabadha oo uu qabay nin albaabka hore ee madaxtooyada isku qarxiyay sannadkan," ayuu yiri Jen. Bariise oo intaas ku daray in baaritaanno lagu sameeyay ay u heleen xaqiiqooyin dambiyo dilal ah oo loo haysto labada ragga ah.

Sidoo kale, Jen. Bariise wuxuu sheegay in Ilyaas Aadan Xasan oo 35 ah kana mid ahaa labadii wiil ee lasoo bandhigay uu laba askari iyo qof shacab ah ku dilay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, sidoo kalena Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ah wiilka kale uu isaguna 19-kii bishan qof rayid ah ku dilay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

"Baaritaanno ay ciidamada booliisku sameeyeen ayaa suurogelisay in lasoo qabto saddexdan qof oo muddo ay ku daba-jireen, waxaana la saari doonaan maxkamad si dambiyada ay galeen loogu xukumo," ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Gabdaha oo magaceeda lagu sheegay Yurub Cismaan Cabdi ayaa la sheegay inay u dhaxday nin isku qarxiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Khaalid C/qaaadir Cabdi, iyadna ay doonaysay inay is-qarxiso, taas darteedna ay booliisku baadi-goob ku sameeyeen ayna soo qabteen si nafteeda looga badbaadiyo inay qarxiso nolosha dad kalena ay galaafato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya