4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Dagaallo ka Dhacay Nawaaxiga Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) —Dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay wadada isku xirta degmada Badhaadhe iyo Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Al-shabaab ayaa ku bilowday kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo kasoo ambabaxay deegaanka Kulbiyow islamarkaasina kusii jeeday degmada Badhaadhe, wuxuuna markii danbe isu badalay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Badhaadhe ayaa HOL u xaqiijiyay in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen diyaarado nooca Helicopterska loo yaqaan oo ay leedahay dowladda Kenya, kuwaasoo duqeymo culus u geystay dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan labada dhinac oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka nawaaxiga Kulbiyow ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo intii ay shaacisay in dagaalkooda ay u badaleen mid ku-dhufoo-ka-dhaqaaq ah waxa isa soo tarayay weerarrada dhabagalka ah ee ay la beegsanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan qeybo katirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Dagaalkani ka dhacay nawaaxiga deegaanka Kulbiyow ayaa kusoo beegmaya xilli maalin kahor ay xoogagga Al-shabaab weerarro madaafiic ah ku qaadeen Degmada Afmadow oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya