4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Uganda oo sheegtay in Askar ka tirsan Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellada Hoose

Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in afar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay dagaal Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.

Askartan ayaa waxay ka mid ahaayeen askar doonaysay inay sameeyaan howgal ay ugu gudbayaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.

"Ciidamada la dilay waxay ka mid ahaayeen kuwa qaybta ka ah howgalka loogu magacdaray 'Xoreynta Shabeelle' oo ah wajiga labaad ee Al-shabaab looga saarayo gobollada ku dhow-dhow Muqdisho," ayaa lagu yiri warbixinta ay dowaldda Uganda soo saartay.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in ciidamadan la dilay lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle, halkaasoo ay Al-shabaab isku dayaysay inay mar kale dib ula wareegto, kaddib markii laga qabsaday toddobaadkii lasoo dhaafay.

Afhayeenka milateriga Uganda, Col. Felix Kulayigye ayaa shaaciyay warkan, isagoo sheegay in afartan askari lagu dilay qarax dhacay intii uu socday dagaalkii ay ku dhinteen; waxaana hadalkan uu imaanayaa iyadoo aysan AMISOM horay uga hadlin dilka askartan ka socotay dalka Uganda.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, Cap. Henry Obbo ayaa isaguna sheegay inay ka go'an tahay ciidamadooda inay ka gudbaan gobolka Shabeellada hoose ayna gaaraan degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay ciidamadooda ku sugan yihiin.

"Waxaan sii wadaynaa dagaalka aan kula jirno argagaxisada inta aan howgalkeenna ka dhameystirayno. Al-shabaab waxay lumisay dhul ballaaran oo ay ka talin jirtay, waxaana qorshaheenna hadda uu yahay inaan gaarno Baydhabo, waayo hadda waxaan ku sugannahay Leego," ayuu yiri Cap. Obbo.

Dagaalkii Khamiistii lasoo dhacay ka dhacya duleedka garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 15 ruux oo ka mid ahaa kooxihii uu dagaalku u dhexeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya