4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland oo xerada 54-aad tababar loogu soo xiray (SAWIRRO)


Isniin, October 22, 2012(HOL): Xerada 54-aad oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada daraawiishta Puntland, kuna taal duleedka magaalada Garoowe, ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray ciidamo dhowrkii bilood ee ugu danbeeyey uu halkaas tababar uga socdey.

 

Waxaana munaasabadii tababarka loogu soo xirayey oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimey kasoo qayb galay madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa iyo saraakiisha ugu sareeya ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska.

 

Ciidamada la tababaray oo ay ku jirto hal gabar, ayaa dhoola tus goobta sameeyey, waxaana intaas kadib abaal marin la gudoonsiiyey qaar kamid ah askartii tababarkan sida weyn uga soo dhalaalay.

 

Madaxweyne Faroole oo madasha khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay tababarka ciidamadan usoo gaba gabooobey.

 


“Aad baan maqsuud uga nahay sida xirfadda leh ee loo taba baray dhalinyaradan, waxaana taas ku mahadsan taliska ciidamada iyo tababarayaashooda”

 

Ciidamada tababarka loosoo xiray mar uu si gaar ah ula hadlayey wuxuu yiri: “ Waxan idinkula dardaarmayaa in aad qabyaaladda ka fogaataan, nin walba waxaa la deris ah oo la saaxiib ah ninka la diriiska ah oo ay tababarka wada galeen ”

 

Cutubkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka tirsan ciidamada Daraawiishta, kuwaas oo muddo sanad gudihiis ah xerada 54-aad tababar loogu soo xiray.




 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya