4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Wafdi kasocda Qaramada Midoobay oo Booqasho ku Tagay Kismaayo

Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) - Wafdi kasocda hay’adda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo iyadoona wafdiga uu socdaal kusoo maray qeybo katirsan magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo ka socda hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midoobay oo ay kamid tahay Hay’adda WHO ayaa deeq dawooyin ah geeyay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo xilli ay isbitalka ka jirtay dawo la’aan baahsan.

Deeqda la gaarsiiyay Isbitalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa isugu jirtay dawooyin iyo weliba qalabka qalliinka.

Sidoo kale wafdiga ayaa booqasho ku tagay dekedda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo iyo weliba qaar katirsan xerooyinka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah ee magaaladaasi.

Degmada Kismaayo ayaa waxa ku nool kumannaan qoys oo kasoo barakacay qeybo katirsan gobollada Jubooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool, kuwaa oo ay saameeyeen abaaro iyo weliba dagaallo u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Waa wafdigii ugu horeeyay ee ka socda hay'adda Qaramada Midoobay oo booqda magaalada Kismaayo tan iyo intii ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ay la wareegeen gacan ku heynta Magaaladaasi.

Xasan Nuur
Hiiraan Online
Kismayo, Somalia
[email protected]