4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Xaaladda Wariye ka Tirsan Idaacadda Shabeelle oo soo Hagaagaysa Kaddib Dhaawac halis ah oo xalay loogu geystay Muqdisho
Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) — Xaaladda wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Shabeelle ee Muqdisho ayaa xaaladdiisu soo hagaagaysaa, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay fiidkii si xun ugu dhaawaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wariyahan ayaa waxaa toogtay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo ay u suuro-gashay inay markiibta goobta ka baxsadaan, waxaana wariyaha ay dhowr xabbadood oo isdaba-joog ah uga dhaceen feeraha iyo caloosha.

"Tuuryare waxaa lagu dhaawacay xaafadda Xaawo-taako, waxaana ku dhexaday saddex xabbadood, runtii dhaawiciisu aad ayuu u cusnaa balse haatan xaaladdiisu waa mid soo hagaaraysa," ayuu yiri wariye ka tirsan idaacadda oo ka mid ah kuwa kula sugan wariyaha Isbitaalka Madiina oo qalliin lagula sameeyay xalay.

Dhakhaatiirta isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dhaawaca wariyaha uu ahaa mid culus ayna ku sameeyeen qalliin saacado qaatay, waxaana wariyahan uu kordhiyay tirada wariyeyaasha sannadkan 2012 waxyeelada loogu geystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir.

Sannadkan oo keliya ayaa waxaa degmada Wadajir lagu dilay laba wariye oo ka tirsanaa idaacadda Shabeelle iyadoo Tuuryare uu noqonayo wariyihii labaad oo isla degmadaas lagu dhaawaco sannadkan.

Degmada Wadajir ayaa waxaa sidoo kale sannadkan lagu dilay laba wariye oo kale kuwaasoo kala ahaa: Yuusuf Farey oo ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya iyo Abuukar Kadaf oo ahaan jiray agaasimihii idaacadda Somaliweyn FM ee Muqdisho.

Ma jirto cid ay dowladdu u soo qabtay dilalka loo geystay wariyeyaashaas, iyadoo degmada Wadajir ay noqonayso degmo inta badan lagu ugaarsado wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, waxaana wariyihii ugu dambeeyay ee lagu dhaawaco degmadaas uu ahaa wariye C/qaadir Kuwaaral oo u shaqeynayay telefishinka Universal.

Guud ahaan 15 wariye ayaa sannadkan oo keliya lagu dilay dalka gudaha Somalia, waxaana intooda badan lagu dilay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku jireen saddex wariye oo bishii hore lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaahi ku dhow tiyaatarka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya