Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan magaaladaasi.
Masuuliyiinta dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa Wafdiga qado ugu sameeyay Hotel Kismaayo oo ku yaal xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaaayo, waxaana imika halkaasi ka soconayo kulan looga hadlayo arimaha Jubooyinka.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Shirka ayaa HOL u sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ay kamid yihiin sugidda ammaanka goobaha laga saaray Al-shabaab iyo weliba dardar gelinta dadaallada la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka.
Sidoo kale masuuliyiintani ayaa la filayaa in kulankooda ay diiradda ku saaraan qaabka ugu haboon ee magaalada Kismaayo loogu soo rari karo shirka looga hadlayo maamul u sameynta Jubooyinka ee ka soconayo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Ammaanka goobta uu shirka ka dhacyo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in marka uu kulanka dhamaado ay masuuliyiintani kormeer kusoo maraan qeybo katirsan magaalada Kismaayo, sida Dakadda, Airporta iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.
Wafdigan maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli urur goboleedka IGAD uu qorsheynayo in shirka looga hadlayo maamul u sameyn Gobollada Jubooyinka ee ka socdo Nairobi loo wareejiyo dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Wafdi ka socdo Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ku leh kulammo looga hadlayo Sugidda Ammaanka iyo Maamulka
More News
- Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta xilka ugala Wareegay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya
- Baarlamaanka oo dib u dhigay Ansixinta Miisaaniyad loogu talo-galay inay Dowladdu ku shaqeynayso bilaha sannadka ka haray
- Khubaradii baaritaanka ku hayay gabood-falladii ay dowladdii Kacaanku geysatay oo soo bandhigay warbixin xaqiijinaya wixii dhacay
- Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray war-laliye sahlaya in Raadiyo Hargeysa laga dhageysto Adduunka oo dhan
- Shirkadda Xawaaladda Amaana oo deeq loo wakiishay gaarsiisay dad ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo Daafaheeda
- Hay'adda Wadahadalka Bulshada oo Dhallinyarada ku nool Degmada Marko u Qabatay kulankii ugu Horreeyay oo Wacyi-gelin ah
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Wadajir ku toogtay guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Degmadaas
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay la dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab illaa inta ay ka Adkaanayaan
- Baarlamaanka oo Maanta ka doodaya Miisaaniyadda ay Dowladda Somalia ku shaqeyn doonto saddexda bilood ee soo Socota
- Xukuumadda Masar oo dalkeeda u diiday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Suuriya